Taariikhda Jubaland (5): “Beesha Absame oo Sanadkii 1900 Diyaarisay Ciidan dhan 4,000 Si Ingiriiska Looga Xoreeyo Jubaland”

Ogaden WarriorsTaariikhda Jubaland (5): “Beesha Absame oo Sanadkii 1900 Diyaarisay Ciidan dhan 4,000 Si Ingiriiska Looga Xoreeyo Jubaland”

Suldaankii labaad ee Zanzibaar (Suldaan Sayid Barghash Bin Saciid Al-Buusaciidi) oo isagu markii hore gacanta ku hayey Jubaland ayaa sanadkii 1887 dhulka Jubaland ku wareejiyey shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray “British East Africa Company”. Sideed sano ka dib (1895) ayaa si buuxda boqortooyadii Ingiriisku ula wareegtay maamulkii Jubaland, lana hoos geeyey maamulkii guud ee Ingiriiska ee Bariga Afrika ee “British East Africa Protectorate”.

 

 

 

 

Ka dib waxaa bilowday dagaal dheer oo dhexmaray beesha Absame oo dhinac ah iyo ciidamadii boqortooyada Ingiriiska oo ay taageerayaan ciidamo Afrikaan ah oo lagu magacaabi jiray “King’s African Rifles” iyo Ciidamo kale oo Hindi ah. Dagaalkani waxa uu bilowday sanadkii 1896 ka dib markii Beesha Absame ay diideen in ay canshuur siiyaan maamulkii Ingiriiska, iyo iyada oo Ingiriisku ku eedeeyey beesha Absame in ay yihiin qaswadayaal. Ka dib waxay ay taldu faraha ka baxday markii mid ka mid ah odayaasha beesha Absame uu isku dayey in uu waran caloosha ka galiyo madixii maamulka Ingiriiska, waqtigaas oo magaalada Kismaayo dhexdeeda uu shir uga socday odayaasha dhaqanka ee beesha Absame iyo maamulka Ingiriiska ee Jubaland. In kasta oo ninkii Ingiriiska ahaa ka badbaaday dilka, haddana meeshaas mashaqo weyn ayaa ka dhacday.

4th Battalion Kings Africa Rifles

 

 

Kornayl F.H.James oo dhacdadaas wax ka qoray waxa uu yidhi sidan:

“For some years the Ogaden Somalis had been causing trouble which culminated in an extensive slave raid into Jubaland in 1896. The Ogaden Chiefs were called to Kismayu by the Commissioner to meet at a Durbar. During one of the discussions one of the chiefs attempted to murder the Commissioner by throwing a knife at him. The Commissioner had been warned to expect something of this sort and had hidden a strong guard in other rooms of the residency. When the trouble began the guard reacted immediately by storming the room and killing all the chiefs except for a few who were able to escape by jumping from the windows of the residency. It was decided to take punitive measures to bring the Ogaden to order”. (fiiri buuga: “History of the 1st Battalion 6th Rajputana Rifles (Wellesleys), Aldershot: Gale & Polden Ltd, 1938, pp. 127 – 132).  

 

DILKII SIR ARTHUR JENNER:  

Arthur Jenner oo ahaa madaxii maamulkii Ingiriiska ee Jubaland, ayaa waxaa dilay niman dagaalyahano ah oo ka tirsan beesha Absame maalin Talaado ah 13th November 1900. Qoraalada aan soo aqriyey waxay ay sheegayaan in nimanka ninkan dilay uu soo diray suldaankii beesha Maxamed Subeer Suldaan Axmed Magan, meesha qoraalo kalena ay sheegayaa in ciidanka ninkan dilay ay soo direen laba Suldaan oo lagu kala magacaabi jiray Xassan Yare iyo Xassan Codeel. (Warkan waxaan ka soo guuriyey: House of Commons Sessional Papers, 1901, Vol 12: Colonies and British Possessions, Afria, page 13 ilaa 14).

 

Intaas ka dib maamulkii Ingiriiska ayaa wacad ku maray in uu cagta mariyo waxa uu ugu magic daray “Ogaden Revolt” ama “Gadoodkii Beesha Ogaadeenka”. Ingiriiska waxa uu ciidamo dheeraad ah ka soo daabulay magaalada Bombay ee Hindiya. Dhinaca kale beesha Absame iyaguna waxay dagaalkaas bilowday uga qeyb galay 4,000 (afar kun) oo dagaalyahan oo ay ugu tala galeen in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo ay ahayd xarunta maamulkii Ingriiska ee Jubaland. Ciidankaas tiraas leh waxa uu argagax ku riday ciidamadii Ingiriiska, kuwii Afrikaanka ee “King’s African Rifles” iyo Gadislaydii Hindida ahayd.

 

Hoos ka aqriso warbaahinta Ingiriiska ee magaalada London oo ka faalootay ciidankaas tiradiisu tahay 4,000  ee beesha Absame ugu tala gashay in ay Ingiriiska kaga xoreeyaan dhulka Jubaland.

4000 Ogaden Somali fighters in Jubaland

NOTE: Warbixintan ku saabsan ciidanka beesha Absame waxaa laga heli karaa qeybta keydka ee Jariidada caanka ah ee ka soo baxda Ingiriiska ee “The Daily Telegraph”, Issue 9928, 27 November 1900, Page 5.

Dr.Maxamed Cabaas

Chairman

Jubbaland Intellecuals

Kismaayo91@hotmail.com

“Jubbaland Intellectuals” is a non-profit, intellectual-based organization which is concerned with the social, political and economic development in Jubbaland. It was founded in Kuala Lumpur in 2005 and is headquatered in Kismaayo, Somalia.

45564354354324343 Daawo Gudoomiyaha Kismaayo Amarkii ugu danbeeyey Shacabka Kismaayo siiyey Sheegayna….
- Jan 30, 2015
Gudoomiyaha dagmada Kismaayo Ibraahin Timo Jilic ayaa Shacabka Magaalada Kismaayo maanta la hadalay wuxuuna ...
897452310 TOP NEWS:Kismaayo Cabdulaahi Sh Shaafici Doomaha Kaluumaysiga Looma Adeegsan karo
- Jan 30, 2015
Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka jubbaland waxaa maanta laga qaybiyey doomo nooca Kaluumaysiga ah ...
gdfgdfgfd Daawo Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi oo Shacabka dagmada Kaamokunji Dayax Soo baxay u noqoday…..
- Jan 30, 2015
Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi ayaa maanta Shir ku qabtay dugsiga Sare ee Xaafada Islii ...
x Daawo Puntland oo banaanka Soo dhigtay Sir hoose+Soomaaliland oo Al-Shabaab Taageero siiyey…….
- Jan 30, 2015
Maamulka Soomaaliland ayaa Taageero hub iyo ciidan ah siiyey Al-Shabaab waxaan taas cadeeyey kadib ...
duch4 Daawo TVgii Qaranka oo nin Hubaysan Qabsaday+Ceebta ku dhacday Ciidamadii Amaanka……
- Jan 30, 2015
Tvga Qaranka Wadanka Holand ayaa waxaa soo galay nin Hubaysan,wuxuuna guud ahaan kala caydhiyey ...
DSCN9488-427x320 Kismaayo Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada oo Maanta Qorshe Cusub qaadta……..
- Jan 30, 2015
Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Maamulka Jubblanad iyo qaar kamid ah Hay'adaha Samofalka ...
untitlabo TOP NEWS:Sakariye Ismaaciil oo Xog Bixiyey Saraakiil Al-Qaaciida oo lagu dabo jiro Soomaaliya……..
- Jan 30, 2015
Sarkaalkii ka tirsanaa Al-Shabaab ee gobolka Gedo ay ka qabteen Ciidamada dalka Kenya iyo ...
Aloore-1 DHEGEYSO:Puntland Markabkii Dakadda Barbara ku xidhay Al-Shabaab ayuu u waday +Baaq iyo Talo…….
- Jan 30, 2015
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Puntland, ayaa maanta Shir Saxaafada ku qabtay Magaalada Garowe,wuxuuna ...
kutladaha_12 WAR CUSUB:Muqdisho oo ay hadheeyeen Shirar gooni gooni ah+Xildhibaanada oo go’aan adag qaatay…………
- Jan 30, 2015
Golaha Wasiirada cusub ee Ra'iisulwasaare CCC Sharmake uu soo magacaabay ayaa noqoday kuwa muran ...
112 WAR CUSUB:Xageed ku ogayd Sakariye Ismaaciil Sarkaalkii Al-Shabaab ka xarooday……
- Jan 30, 2015
Sakariye Ismaaciil oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaan laga qabtay gobolka ...