Maqaal: Doodii Universal TV & Sh. Maxamed Barre Dhoofaan

Hadaad daawatay doodadaha ka baxa TV Univesal ku na saabsan badanaa arimaha Jubbooyinka iyo deegaanada kale Absamaha degan yihiin sida Bakool iyo Gedo ayaad waxaad arkaysaa in wariyaha Nadaara oo Soomaalida kale ah kaga dhiiran yahay deegaanka Absamaha hormuudka ka yihiin inuu sheego waxa ka socda  sida asagoo cadeeya Azaaniya iyo Raskambooni.

Halka Sh.Maxamed Barre Dhoofaan uusan xataa aboodin markay dooda kululaato inuu sheegto beeshiisa iyo awoodiisa iyo dhulka ballaaran uu leeyahay. Ragga la doodayo kufaanaan beeshooda labadii doodood ee uu ka qayb galay ee TV Universel sheeganayana majority ama aqlabiyad deegaan iyadoo markii loo eego hoosna aysan la ekayn kuwa la doodaya deegaan ahaan iyo dad ahaanba laf ka mid ah beesha Cowlyahan Ogaadeen.

Vidiyowgan hoose ka daawo doodaan  dhex maraysaa nin u dhashay Digil iyo Mirifle gaar ahaan beesha Luwaay ee degta Bakool Maxamed Nuur Ufurow oo ah Agasimaha Madaxtooyada ee Arrimiha Bulshada iyo Sh. Maxamed Barre Dhoofan oo ah nin Ogaadeen Cowlyahan ah kasoo jeeda Bakool. Iyadoo dooda aan kaga bogan doontaan figradihiinana ka dhiiban doontaan waxyaabaha aad ula yaabay waxa ka mid ah:

In ninka Digil iyo Mirifle sheeganayo aqlabiyadda lixda gobol ee Koofur Galbeed Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool, iyo Shabeellada Hoose lixdaas gobalna Digil iyo Mirif maamul u samaynayaan. Halka Sh. Maxamed Barre uu sheegan waayay aqlabayadiisa deegaan iyo dadnimo iyo in asaga aqlabiyadda yahay deegaanka taasoo moodo shisheeyaha markuu la joogo inuusan isku kalsoonayn cadkiisana goosan karin.

Tan labaad ayaa ahayd marka beesha Cawlyahan ninka Raxanweyn uu kala qaad qaaday ilaa reer Waafato uu gaarsiiyay Baardheerana Shariif Hassan ayaa iska leh uu yiri  Sh. Maxamed Barrana si daciifnimo u waydiiyay miyaan Gedo wax ka degin inta lagu qoslay la yiri waad degi jirtay hadda maya jawaab cadna uu ka bixin wayay Sh. Maxamed.

Dhinaca kale Maxamed Nur Ufurow ayaa sheegtay aqlabiyadda Jubbada Dhexe ee Bu’aale oo ka kooban: Bu,aale, Jilib, Saakow iyo Salagle taasina Sh.Barre wuu ka gaabsaday kama uusan jawaabin waxayna muujinaysaa inuu hadalka Ufurow raalli ka yahay iyadoon ognahay Jubadda Dhexe aqlabayadiisa beesha Cowlyahan degen tahay.

Maxamed Ufurow ayaa weeraray Prof  Gaandi kuna sheegay inuu Gaarisa u dhashay lafta Gaandi uu ka yahay Ogaden ee Tolomoge Soomaliya deganayn Sh.maxamed barre kama uusan jawaabin asagoo awoodo inuu dhaho Absame ha ii kala qaad qaadin tankale lafta hoose Prof Gaandi ka dhashay soow Badhaadhe iyo Kulbiyow ma degana haddii Ogaadeen lasii kala qaad qaadaba.

Ufurow ayaa ku doodayay magaca Digil iyo Mirifle oo u dhiganta 4.5 beesha Daarood asagoo awooday Sh.Maxamed  inuu ku doodo heer Daaroodka koofureed ama Absame nasiib daro marna afkiisa reerkiisa soo marsiin waayay.

Sh.Barre ayaa bilowga dooda isyara giijiyayay Shariif Xasan iyo qorshihiisana weerararay hase ahaatee markii danbe raalli gelin lagu qasbay kadib markii loo sheegay inuu Shariif Xasan wanaag iyo xumaanba uu yahay hogaamiyaha Digil iyo Mirifle.

Dadka Soomaliyeed ee dooda daawada ayaa waxaa u muuqanayso inay soo baxayso ceebihii beesha ogaadeen lagu sheegi jiray taas oo ah in Soomaalida kale ka hogtaan deegaanadooda Soomaaliya ku leeyihiina difaacan karin dad kalana ugu danbeeyaan masiirkoodaa kaba qaadna u noqdaan qof ka deegaan yar kana dad yar hase ahaatee ufaana una xaniinya weyn nin walbo oo wax garad ah oo usoo baxa samata bixintooda iyo inay sharaf iyo karaamo ku noolaadaan.

Sh.Maxamed  ninka yaqaano wuxuu fadhi ku fikirrka uga sheekeeyaa in Prof Gaandi deegaanka Absamaha qabaailo kale siinayayo beesha Cawlyahanna kuraasta ku yareeyay taasoo sal iyo raad lahayn. Iyadadoo labada Gudoomiye Jubadda Hoose iyo Jubada Dhexe labaduba yihiin labao nin oo Absame ah.

Jubbada Dhexe ninka Digil iyo Mirifle aqlabiyadeeda sheegtayna kuraasta ugu badan beesha Cawlyahan qaadatay, Bu,aale caasimmada dowlad gobaleedka Azaaniya laga dhigay maadama iyaga ugu badan yihin  nasiib darrana Sh. Maxamed difaaci waayay jiritaankiisa deegaankiisa.

Sh. Maxamed Barre ayaan waxaan kula talin lahaa inuu san dood danbe soo fariisan TV haduusan deegaanka iyo dadka jiritaankooda difaaci karin Soomaaliyana waa 4-5 hadda cid aan cadkeeda koosan karin in sumcadda beesha meel ooga dhacdo ma ahan hadaysan is cadeeyn karin si kalsooni ku jirtana u difaaci karin. soomaalida waxay ku maah maahdaa meel ama ka maqnow ama ka muuqo

fikirkiina waad kadhiiban kartaan

Asad C/Salaan

Muumin2008@gmail.com

ss WAR CUSUB:Shirkii Doolow oo Gabo gabo ah iyo is afgarad ka soo baxay Goordhaw+Ugaas Beesha Sade oo Sheegay……
- Mar 1, 2015
Wararka Naga soo gaadhay Magaalada Doolow ayaa sheegay in Shirkii maalmahan uga socday Xubno ...
DSCN9935-500x281 Sawir Goormaa kugu danbaysay Magaalada Kismaayo+Sawirada Maanta Dib udhac mise hormar…….
- Mar 1, 2015
Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland,waxaa baryihiin u danbeeyey ka jiray dhismyaal ay dhisnayaan ...
SSS WAR CUSUB:War ka soo baxay Villa Soomaaliya oo Maamulka Hargaysa Loogu Jawaabay “TOP NEWS”
- Mar 1, 2015
Dawlada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay kagag hadalayso wada hadalada Soomaaliya iyo Maamulka ...
ddd Daawo:Dawlada Kenya oo joojisay guud ahaan Tvyada dalka+Go’aanka dawlada oo saamayn ku yeeshay……
- Mar 1, 2015
Dadka reer Kenya ayaa labadii isbuuc ee la soo dhaafay dalka oo dhan ka ...
IMG_3020 XOG:Madaxwayne Axmed Madoobe oo Hay’ada UNDP warqada raali galin ah diray………
- Mar 1, 2015
Hay'ada UNDP oo ah Hay'ada Caalami ah isal markaan Mashaariicda hormarinta ka fulisay dalka ...
RW-Cabdiweli-Sheekh-Axmed WAR CUSUB:Ra’iisulwasaarihii hore Dr Cabdiwali oo Hadal Muqdisho Ka Cadhootay ku dhawaaqay”TOP SECRET”
- Mar 1, 2015
Ra'iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaanka ugu sareeya ee Xisbiga Cadaalada iyo Midnimada dadka ...
Adan_Cadde_Airport Diyaarada Muqdisho ka qaaday Dhaawac iyo Wadanka loo wado dhaawacyadan….
- Mar 1, 2015
Waxaa goordhaw Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho soo dagyahay Diyaarada dhaawacii qarii Hotelka,Central ee Magaalada ...
breaking-news-lloyd-irvin-keenan-jordon-atos WAR DEG DEG AH:Qarax xoog badan oo ka dhacay Bartamaha Magaalada+Taliye Ku geeriyooday qarax…..
- Mar 1, 2015
Wararka ku soo dhacay Shabkada wararka Jubbalandnews ayaa tibaaxaya in goordhaw Qarax lala beegsaday ...
SA Sawirkan oo noqoday Mid dunida ka yaabiyey Ruux Soomaali ah oo lagu dilay Canada…..
- Mar 1, 2015
Waa Markii ugu horeyasay ee dhacadan oo kale la arko waan arin xanuun badan ...
Retro microphone on stage DHEGEYSO:Warar Xasaasi ah Xasan Sh Maxamuud Yuu u diray Wada hadalkii Soomaaliland Saaka +Shuruuda Soomaaliland……
- Mar 1, 2015
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa Habeenimadii Xalay la dardaarmay Wafdiga uu u magacabay ...