Ninkii waaw dhaho waa laga warsugaa. Nin ka tirsan garabka A. Madoobe oo Suldaan Waamo sheegtay

Jaha wareerka siyaasadeed iyo kala guurka xaaladda soomaaliya iyo ka qeyb galka shirka odayaasha dhaqanka ee Xamar  ayaa waxa uu keenay in dad badan iyaga isu caleema saaraan  Ugaasyo, Suldaan, Garaad iyo xilil dhaqameed kale qof waliba isku magacaabo si un uu uga mid noqdo 135 odayaal dhaqameed ee ka qeyb galaysa shirka ansixinta dastuurka soona xulaysa ergada 825 ee shirka iyo xildhibaanada cusub.
Hadaba beesha Daarood ayaa 30 oday ku soo hagaagtay guud ahaan 4.5 markii la eego liiska rasmiga soo baxay  ayaa beesha Absame 6 oday dhaqameed ku yeesheen. Iyadoo Ugaas Xuseen Qorane 7 ku noqon doono sidaan warka ku helnay. Dad badan oo beesha Absame gaar ahaan Ogaadeen oo sheegan jiray Ugaas iyo Suldaan una badan reer Ogaadenia lana soo galay Jubooyinka Ugaas iyo Suldaan baan ka ahaan jiray itoobiya sheegashadoodana dhaqan soo jireen aan ahayn aftahanimo un ahayd ayaa meel cidla ku soo dhacay inay isla hadlaana ku dhow.
Sheekada ugu xiisaha badan ee magaalada Neyroobi taalo ayaa ah Maxamed Deeq Maxamuud Heybe oo reer Qabdidahar ah kana mid ah Raskambooniyiinta garabka Axmed Madoobe inuu sheegtay Suldaanka Maxamed Subeer ee Waamo. Ka dibna codsaday in shirka 135 lagu daro maadaama Suldaanka Maxamed Subeer doorteen isaga yahay  arintaas beesha Absame mid ku qosla iyo mid afka qabsaday noqotay.
Maxamed Deeq Maxamud Heybe ayaa la weydiiyay Waamo taariikh bay leedahay Suldaanka Maxamed Subeer ee soo jireenkana waa Suldaan Cabdi Cali Sonkor ee Qabdidahar iyo Kismaayo miyaad kala garan la dahay ?,mise Jubbaland iyo Ogaadeenya ayaa iskaga kaa khaldan?
Ruwaayaddan cajiibka ah ayaa waxa isku soo duba riday kooxda Axmed Madoowe oo kala ah Mukhtar Dheere (ex Al-Itahad WSLF member), Xadhuun iyo  nin lagu magcaabo Cabdi Casiis kadib markii ay ku hungoobeen hal nin oo odayaasha dhaqanka ee soo jireenka Absame oo taageersan fikirkooda ku salaysan jab hadayna iyo lugooyada Absame iyo u adeegida iyo gacan hoorsiga cadowga Absame iyagoo beesha Absame horay ugu baabiiyay cududooda, Al-Itaxaad, Maxaakimtii ka dibna Xisbul-Islaam Al -Shabaab, Raskambooni, iyagoo ahaa edeegayaal firfircoon qutul yoonka karadsada Soomaalida kale ururadaas hogaanka siyaasadeed iyo midka dhaqaalaba u hayay iyagana ahaayeen xaabada dabka lagu shito laguna dangaaro taas oo ah wax taariikhda ku qoran oo lama ilaabaan ah lagulana xisaabtamayo.
Magaalada Nayroobi waxaa taalo halku dhig ah kala garo Kismaayo iyo Qabdidahar.
Waxaan soo wadnaa qoraale aan ku iftiimin doono waxyaabo badan oo akhristayasha ka daahsoon Insha Allah.
Jubbalandnews.com

E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. Sayid Maxamed says:

    Axmedow Inkastoo tallo wanaagsan aad ku soo gaba gabaysay arimaha qaarkoodna aan kugu
    Raacsanahay waxa Kaliya een kaa diiday waa inaad qabiil magacawdo sababtoo ah reerka aad
    Meesha ku magacawday intooda badan waxay taageersanyihiin Pr; Gaandi waxayna jecelyihiin
    Absame inuu wax noqdo Kooxdan iyo shakhsiyadani ma matali karaan reerkaas. Sheekadu ha
    Ahaato Kooxdan iyo taageerayaasheeda ha ku koonaato taas ayuu caafimaadku ku jiraa.aniguna
    Ogow inaanan reerkaas ahayn.

  2. qooqaani says:

    waad mahasantahay sayid lakiin waa in la cadeeyaa in qaswalaha ah maqlka ninka sooqoray waa saxsanyahay adigana waad saxsantahay lakiin waa in runta la isu sheego oo dadka qaswadayaasha la cadeeyo magacyadooda iyo reerka ay u dhasheen oo la dacweeyo oo shacabka absome uu ogado,

  3. miyir says:

    in la qariyo fidnawadaha macneheedu Waa waan la aqoonin waana qalad midaasi waxaa sax ah in la cadeeyo iyaga iyo Reer koodaba maxaa loo qarin

  4. Cabdi Cali says:

    Sida uu Sheegay Sh. Axmed Madoobe haduu ogal yahay in Sh Daahir Aweys ariga u raaco maxaa u diiday in uu xil muhiima ka qabto Azaaniya dhibna sidaa ku dhamaado haduusan xil rabina uu geela u raaco ina adeerkii Prof Gaandi?

  5. joorre says:

    sayid maxamed

    sxb ninka magacyada u qorey ee ninkan yiri anaga ku tageersan ee ugaasnimo isku sharax waa ogaden oo dhan la soco mahan xadhuun rer qabri dahare mahan waa nin rer badhaadhe ah qoraalka qalad ha u fahmin ado raali ah

    wabilaahi towfiiqq

    waxaan kaloo aad ula yaabay kuwan ahmed madoobe melaha wada inen ninku waxba lama jooge raaskaabooni waa cidan qabiil maantana siyaada geeska africa qabiil kama shaqayse

  6. Sayid Maxamed says:

    Saaxiibkay mr; Qooqane anigu igama ahayn inaan wax qarinayo ee anigu waxaan aaminsahay in
    Absame uu qaranyahay waxaana u fikirayay sidii qaranimo hadaan khaldanahay Qooqanow waad
    I qaban kartaa. Howshu meel fiican ayay inoo maraysaa maanta niyada Absamuhu cirkaas ayay
    Maraysaa dadkuna markuu halgan ku jiro turxaamaa iska jira groubkan anigu turxaan Ayaan
    U arkaa.Tan kale anigu faaladaydu kuma soconin ninka maqaalka soo qoray ama webkan
    Hadaad ogaan lahayd sidaan jubbalanews ugu diirsaday anoo ku daaco qudhmay oo ku xanuunsa-
    Saday (kismaayonews/waamonews)iyo kuwo kale oo uu ka midyahay (bulaale)iyo waliba qaar kola
    Kula jira kolna kaa jira.waxbade hadalku yuu ila durkin waxaan ku soo gooyay guulaystayaal
    Geediga wada eebaw adaa Leh waxaan bahda jubbalndnews u qirayaa inay yihiin suxufiyaal
    Khibrad uleh

  7. Kudhaa says:

    Waa aduun la wada washay oo cidkaste ey waxey donto sheganeyso marka yanks yabkis,

  8. miyir says:

    waxaa absame dhib badan ku haya Waa jifo maxmed zupeer ah mar kasta oo ay arkaan inay absamuhu wax wanaagooda ah Waxaan sida cir kasoo dhicii ayay imaanayaan iyagoo raba inay buburiyaan maxa yeelay Waa marka kaliya ee ay laaluushka ka helaan cadawga umadooda Sidaas darteed ayaan malahan

  9. subeer says:

    miyir oo kale aya absame ku jira oo cuqdad qabiil qaba oo bulosho iyo umad dhan ku sheegaya laaluush qataya horta kuwaas illahay ha cafiyo ,

  10. HAJIYOW says:

    JUBBA RUNT AYAAD SHEEGTAY ANAGA AH MAXAMED SUBER WAXA XALADKA WADAN WAA M SUBER . WAXBA MEESHA KUMA HAYNO OO HADAL HANAHAY MAXAMED SUBER.SULDAN UGAASBA . LAAKIIN MAANTA INUU ABSAME NOO TALIYO AYAAN RABNAA. MAXAMED SUBER WAXAAN LEEYAHAY TOLKEYOW ABSAME AAN FURSADSIINO, WAXAY KEEN AAN FIIRANO, WAAYO INBADAN AYEY INAGA CABTEEN.OY OOYEEN BAL AAN KA DANBEYNO. WAXII HADA KA DANBEYA ABSAMOW TALIYA WAAN YEELAYNAYE HADALKIINA,MAXAMED SUBEER WAXAAN LEEYAHAY SAMRA WAAYO INADAN AYEYNU ABSAMEE IGA CABTEEN. SAMRANA RAALI AHADNA.ABSAME TALIYA TALKEY ANIGAA AMUSIINE HALA IS CAFIYO,

  11. Owbaaruud says:

    Mahad waxaa iska leh ilaahay na abuuray,Absame naga dhigay nagu beer 3 wadan oo xuduud wada llehl,
    Intaas kadib madaalayaash jln aad ayaan ugu mahadinaya waan ku caafimaadaa run ahaantii marka hore kuwa fscood u aderga ayaan akhriyaa markas sniga oo fhiigu 200 imarayo jln ku nastaa markaas ayuu dhiigii 0 alah markas ayan sidii wadad Sheekhaal oo jiilaal jooga ,reer Cabdala ah Lodu u barqo fadhido,oo wiil deeqsi ah oo garasho badan arkay wadadkan,oo il go’on isugu soo dary Xedho masago oo geedo leh gaari mahamad subeer ah ku fara yareeysatay .oo markuu dhargay aad ugu duceeyay .
    Ayan jln ugu duceeyaa .
    Midnimo,gobanimo ,isku duubnaan,guul ,
    ABe Same


Comments are closed.

64 Sh Axmed Madoobe oo Saaka u anbabaxay deegaano Cusub gudahana u galay deegaanka joorre.
- Oct 21, 2014
Wararka aan ka helayno Tuulada Kaambooni ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed ...
GARSOORKA copy Sawir:Faarax Cabdiqaadir xagee ayuu geeyey Cadaaladii Soomaaliya Ee Wasiirka looga dhigay.
- Oct 21, 2014
Farshaxaniistaha Amiin Caamir ayaa maalmaha sawiradiisa wuxuu inta badan ku muujiyey xaalada dalku marayo ...
20140922_174405 Kismaayo iyo Garbahaaray Maxay tahay Sirta Hoose ee la isla Maaganyahay.
- Oct 21, 2014
Abaabulka Shirka Garbahaaray waxaa iska lahaa siyaasiyiin ka soo jeeda mid kamid ah Beelaha ...
images (1) War Dag Dag ah Ra”isulwasaaraaha Soomaaliya oo Nairobi ku soo wajahan iyo Axmed Madoobe maalmo gudahood Nairobi ku soo laabanaya.
- Oct 21, 2014
Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed ayaa maalmahan ku soo wajahana magaalada Nairobi iyadoo balanta ...
download Kulan Maanta dhexmaray Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Col:Barre Hiiraale oo Natiijo la’aan ku dhamaaday.
- Oct 20, 2014
Madaxwaynaha Soomaaliya xassan Sh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku marti qaaday Col:Barre Hiiraale  kulanka ...
201410206354940653595006922 Shidaalka Soomaaliya oo lagaga hadlay Shir ka dhacay Magaalada LONDON.iyo Madax Afrikan ah oo Joogtay Shirka.
- Oct 20, 2014
Waxaa maanta ka dhacay Magaalada London ee cariga Ingriiska Shir ay isugu yimaaden Shirkado ...
65 (1) Barlamaanka dalka oo maanta Furmay iyo gudiyada qaar oo warbixino laga dhagaysanayo.
- Oct 20, 2014
Baarlaamka Soomaaliya ayaan dib u bilaabay doodihii iyo dhagaysigii gudiyada baarlamaanka kuwaas oo mudoba ...
d8b5d988d8b1d8a9-d988d8b2d8b9d8aad987d8a7-d8a7d984d8a8d8add8b1d98ad8a9-d8a7d984d981d8b1d986d8b3d98ad8a9-d8aad8b9d988d8af-d984d984d8b9 War Dag dag Dekada Magaalada Baraawe Markabkii ugu horeeyey oo Dhuxul doon ah oo saaka Ku xirtay halkaas.
- Oct 20, 2014
Magaalada Baraawe waxaa taala Milaayiin Kiish oo Dhuxul kuwaas oo ay lahaayeen Xarakada Al-Shabaab ...
45 Saraakiish Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Raaskamboni oo Madaxwayne Axmed ka codsaday in Musharka Ciidamada loo dadajiyo.
- Oct 20, 2014
Saraakiisha Maamulka Jubbaland ee ku sugan magaalada Raaskambooni oo ay kalamo wada lahaayeen madaxwaynaha ...
download Hub laga helay Guriga Yaasiin Nuur Gaas(Indha Raadeer) ee Magaalada Kismaayo
- Oct 20, 2014
Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo oo habeenimadii xalay magaalada Kismaayo ka sameeyey baadhitaan lagu xaqiijninaya ...