Maxaa ka jira cabashada Ugaas Irshaad
Warar si xun isugu dayayaan in ay ka faa’ideeystaan kuwa sanooyin badan dhib xaga af-ka-hadal ah ku hayay bulshada Absame ee Juubooyinka ayaa soo baxay oo ku saabsan in Ugaas Irshaad Ugaas Siigaale ka cawday in laga tagay booskiisana la galiyay ninka ay ehelka yihiin Ugaas Xuseen Ugaas Cusmaan. Taariikhda marka la fiiriyo 20kii sano ee ugu danbeeysay waa marka kaliya hal cabasho soo yeerto iyadoo shirarkii kuwan ka horeeyay is qabqabsashada beesha dexdeeda aanay tiro laheeyn.
Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame weey tiro badan yihiin tirada Absame ku soo aaday marka 4.5 la raacay waxeey noqotay lix. Waxaa nasiib ah in Ugaas Irshaad maanta uunan laheeyn jifo ama qolo kale ayaa beesheeyda (Tolomoge) mataleeysa maadaama labada Ugaas is ku jifo yihiin. Cabashada Ugaas Irshaad oo si fiican u qoran ayaa waxaa qurun ku dhex darsaday kheeyrkood u adeegayaashooda (Waamonnews, Kismaayonews iyo Dhanaan.com).
Si walbaba waxeey Jubbalandnews.com wadaa warar xaqiiqo raadin ah oo arintan ku saabsan. Ugaaska uu Ugaas Irshaad ka cabanayo waa Ugaaska 3aad ee liiska beesha Absame hoos ku qoran.
Cabasho akhristayaasha qaarkood naga soo gaartay darteed ayaan cinwaanka u badalnay
|
Daarood Traditional Elders List |
|||
| Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor | Maxamed Subeer | ||
| Suldaan Faarax Suldaan Cusman (Nageeye) | Maqaabul | ||
| Ugaas Hussein Ugaas Cismaan (Nur) | Tolomooge | ||
| Ugaas Maxamed Ugaas Hassan (Shangolow) | Bahgari | ||
| Ugaas Cumar Ugaas Xiireey | Cawlyahan | ||
| Ugaas Cabdulqaadir Ugaas Cusmaan Ugaas Aaden | Bartire | ||
| Suldaan Maxamed Axmed Cabdulle Suldaan Burtinle - | Awrtable | ||
| Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin | Dashiishle | ||
| Garaad Jaamac Garaad Cali | Dhulbahante | ||
| Garaad Saleebaan Garaad Maxamed | Dhulbahante | ||
| Ugaas C.llaahi Ciise Nuur | Dhulbahante | ||
| Garaad C.llaahi Soofe Duraan | Dhulbahante | ||
| Maxamuud Ugaas Axmed | Leelkase | ||
| Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud | Leelkase | ||
| Sultan Saciid Sultan Cabdisalan Sultan Cali | Warsangeli | ||
| Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan | Warsangeli | ||
| Burhaan Boqor Muuse | Cismaan Maxamuud | ||
| Islaan Bashiir Islaan Cabdulle | Cumar Maxamuud | ||
| Suldaan Saciid Maxamed Garaase | Ciise Maxamuud | ||
| Beeldaaje Jaamac Cabdullahi Beeldaje | Cali Saleebaan | ||
| Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje | Suwaaqroon | ||
| Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baalle | Reer Baciidyahan | ||
| Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud | Cali Jibraìil | ||
| Ugaas Mohamed Ugaas Hashi Ugaas Hirsi | Mareexaan | ||
| Nabaddoon Cabdulle Cabdi Ibraahin | Mareexaan – Hawraarsame | ||
| Hussein Deer Caddaawe / Mohamed Hassan Yarow | Mareexaan – Reer Xasan | ||
| Ibrahin Mohamed Aaden | Mareexaan – Uurmidig | ||
| Axmed Barre Cali Xaabbuun | Mareexaan – Galgaduud | ||
| Sheekh Hassan Hussein | Mareexaan - | ||
| Hassan Cilmi (Xasan Yare) | Mareexaan – Galgaduud | ||

Ugaasku in kastoo sharaf mudanyahay hadana waxaad moodaa in ay ugaaska ay heleen koox aad
In loo dhaariyay Inay ka shaqeeyaan xumaanta iyo kala eriga Abasame Sababtuna waxay tahay
Iyadoo jubbaland madaxwayne loo doortay ay leedahay(Gaandi) ayay ka garab wadeen A Madoobe
Kolkuu kaasi socon waayayna waxay dhoob dhoobayaan mid kale Ciil mooge ha la hubiyo Ugaasku
Labadii todobaad u dambeeyay yuu la shaahayn jiray meesha waxbaa iiga uray (something fishy)
Ugaaska ha loo waramo anaa huba inuunan jeclayn dhibaatada Absame Ugaaska ha laga soo
Reebo nimankan dhaarta ku maray kala kaxaynta Absame.
Findhicil ma xaaraan baa mise waa xalaal, waxaaba khalad ah in marki horeba Absame lix keliya ka soo qaato soddon xubnood oo odey-dhaqameedyo beesha Daarood, ogow marka Parliamenka la soo xulaayo waxaa lagu salayn doonaa xubnaha galaaya inti odey-dhaqameed kuu joogtay madasha dastuurka.
Lix ama sodon Suldaan waxaa ka muhiimsan in deegaankeena dowlad goboleedkiisa Azaaniya u hoowlgalno in uu miro dhalo taas ayaa keeni doonto in aan Ra’iisal Wasaare ama Madaxweyne mid un helno. Inta deegaankeena dayacan yahay wax qiimo kuma lehin soomaali dhexdeeda. Teeda kale 4.5 Soomaaloo dhan ayaa is ku raacday qeeybta Absamana waa lix marka laxisaabtamo nidaamka ayaa sidaa ah.
JubalaandNews ma aha in ay wax aan aheeyn wax weyn ayaa bun buuniyaan, sida waamoonews oo kale waxaay aheeyd in aa ooga amusaan sida IjaraNews oo kale, waayo ninkan waa suldaan waa layaqaana laakiinse waa mid kasoo bixiwaayay kalintii uu lahaa, markuu ahada dhadhawaaqaayo xagee uu ku maqnaa 21 sanadood ee uu beeylah ahaa degaanka Jorre
ugaasjeena qadarin naga mudan yahay hadii uu yahay kii saxda ahaa qaabkii loo soxo karo ha samaso dowlada azaaniya oo qashinkan magaciisa dilayo haka soo reebokismayonews waamo,and dhanan oo aad ba moodi inay yihiin qawlaysatayaashii kala dili jirey shacabka goboladeena,,fiiro gaar ah la idin leeyahay,,,isku duuban diiriga absame uluo diirkeeda waad qasaarten kkkkk
cabdi cali nidaamka somalia ka jira ee i qasbaaya waa kee, marka aad leedahay “nidaamkaa saas ah”? Midda kale sow ma ogid in somali wax isu ogoleyn marka aad leedahay somali ayaa saa isku raacday. Cabdi seed ugu qanacday Absame oo afar gobol dega (Bakool, Gedo, J,dhexe iyo J, hoose) in loo quuro lix xubnood oo keliya, sow ma aragtid baaxadda u leeyahay dalkeyga. Anoo ku dadaalayo inaan sameysto dowlad-goboleed ayaan isla mar ahaantaana kula dhegi somali maryooley xubnaha aan ku leeyahay federalka.
Liboi, nidaanka kuma qanacsani xaalada taagan ayaa sidaa ah miyuu Absame badali karaa hadii ay haa tahay muxuu sugayaa? Absamaha afartaa gobol daga ma wuxuu sugayaa in wax loo garto waa habeenkii xalay ahaa oo tagay. Adeer waan is dayacnay deegaankeenana dayacnay kaliya waxaa naga saari kara inagoo deegaanadeena gacanta ku dhigno maamul iyo masiirkoodana ka shaqeeyno markaa unbaa Soomaaliya sidaan rabno ka yeeli karnaa sida ay hada qabiilada qaar yeelaan.
Sxb.yaal marka hore waxaa wanaagsan in intaadan wax qorin on aad baadhitaan sameeysaa
TOLOMOGE Mel kadata oo uu joogo Hal ugaas ayaan leenahay wana ugaas S.rahman
Ugaad Ugaas muxumad qani.
Waxaa jira J/hoose in ay lahaayeeyn ama soo mareeyn 2Ugaas beeleed oo mid kamid sh uu yahay ugaas Irshaad waana jifa hoose oo aa xataa Adan muuse kulmineeynin.Ugaaskan Waxaa Kulbiyow Ka soo waday Xadhuun iyo A.Aziz Xusrn Dayib oo ayagu qeeyrkood u dhaqeeya Ahmad madoobe ayaa Usoo diray markay meel walba ku fashilmen.
Waxyaabahas webebka Cadawga Absame u dhaqeeya
Masha alah anaa garan Ugaaskan,lakiin ma aha Ugaas Tolomoge ee waa Ugaas Xasam Adan ,
Ugaaska markab la xiriiray waxuu ii sheegay in uu soo waalay Xadhuun oo yiri 4Ugaas ayaa laga rabaa Samawade,ee in Ugaas Tolomoge la raadin ma moodeeynin raalina ha leeyga ahaadi waa fariinta U
ii soo dhiibay ugaas Irshaad marka xadhuun oo gacan yare u ah nin faciis ah oo la dhaho ahmad madoobe,oo asagana aan ognahay waxuu ku xiran yahay.
Ugaas Irshaad ugaas Siigaale waa ugaas ka Talamoge ee joorre taas cidna kuma haysato, meesha hadii layiraahdo ugaas yada oo dhan ayaa la marti qaaday oo asaga ayaa laga tagay waa meelka dhac laakiin Absame oo dhan ayaa lix ugaas ama suldaan shirka uga qayb galayaan. horaanba asaga oo jooga ayaa shirar hore waxaa reerka u matalay ugaasyo kale sida ugaas Ismaaciil dhirif. markaa wax la buun buuniyo maaha waxba yaan wakhti laysaga lumin.
Absame sidan hadii uu kusii socdo sheegiisa waa la’is weydiin-doonaa, in heerka aynu maanta marayno uu gaadhay cad-quudheed la inoo soo tuuray aynu dhexdeena isku qab-qab sano oo aynu kala jiidano oo qambi iyo xumaan aynu ka dhaxalo waa mid aynu sababteeda leenahay.
Eeg, Soomaali ayaa caydhiin wax ku qayb sanaysa oo uu qabiil waliba weel kiisii la soo xaadiray isagoo is wata, si’ hadhow bisaylka uu ugu deeqo cadkii uu caydhiinka ku soo qaatay marka uu reer-kiisa la dhex-tago.
Absame waa Daarood, wuxuuna la siman-yahay beelaha kale ee Daaroodka sida Hartiga oo aan ka tagin lafaha uu ka kooban-yahay Harti ama ha yaraado ama ha bataane. Awey Absamihii kale iyo Adeerkood ee lahaa Galimeys, Baalcad Weyteen, Jidwaaq/Abasguul, Maloonke-Muuse, Habaracad ee dalkan degan iyadoo uu deegaan-koodu yahay ka ugu qanisan ee ugu saameynta badan siyaasada Soomaaliya, mise waxaa laga soo qaaday dad aanba deganayn Jubbooyinka, Gedo iyo Bakool ! oo waxaa loo aqoon-saday Absamaha dega Jamhuuriyada Soomaaliya in ay yihiin intaa ay lixdaa oday ee ay qayladu daba taalo magacooda ay matalayaan?.
Hadaba sidaa hadii ay raali ka noqdeen odayadeenii iyo siyaasiyiin-teeniiba waa mid si cad u qeexaysa kaalinta hoose ee aynu kaga jirno talada dalka Soomaaliyeed ee maanta iyo barri-ba.
Wabilaahi Tawfiiq
Walaalka Kaiamaayo waxan anigu qabaa maanta in aan meel diican mareeyno marka aad fiiriso Shirarkii lagu qabtay Neirobi eee Abdulahi Yusuf lagu doortay labo nin Absame ah ayaa isku feeray kii Jabuuti sidoo kale maantase waxaad moodaa in an Hal talabo qadnay.
Waana intaa midnimada ah waxaa keenay Azania waxa hubaal ah in ay hadii sidan absame ku socdo
aan siyaasada geeska Africa wax ka badali doono.
Hadii aan arinta Absame ku yar laabto.waxa inaga maqan
Kulbiyow boy sxb ugaas irshaad waa nin Hassam aadan ah Waana ugaska tolomoge ee Somalia
Waana ugaaska tolomoge ee badhaadhe daganaa
Khalad wuu dhici karaa igaasnimadana waa meesheeda
warya eega xage kuhilmante ugass deqow ugass sanbul ugass abdi ibrahim
asc dhaman,., waxa wax lala yaabo ah,,, mesha absame 6 ka helay, ee dhulos 4 ee majerten 7 kaligod helen,, ee warsagali 2 gelay ee dashisihe mid helay,, ee mareexaan 7 helay,.,, waxa wax lala yabo ah ,, absame ila goorma la quudhsan ila gormaay yagoo wax wayin heli karaa ay yagu u kala dhumaan dadka oo walalkood ka tagi ama ka dhuuman,, ,, haday suldamadooda iyo ugaayadooda iyo caqilada xata uruur sadan oo shirka ku badsadan , sida umada kalee samaysay ee ad moodo mesha in laga dhigay ninba ninku ka suldan badanyahay ayu uga wax badsanaya wax cajiib
Thank uou Run Sheegow,
Waa wax lala yaabo sida ay uga dhacsan yihiin siyaasadda Somaliya Reerkan Absame ee iyaga keliya isku maqan oo is xaqiraya goormay Daarood iyo Somali wax la qaybsan dooneen.
Bal ee lixda ama toddobada oday dhaqameed ay la shir tageen dhammaan waa wada ogaadeen marka laga reebo ka Bartire kkk
Absamana waa afar iyo adeerkii Galameys tolw yaaa uga mas’uul ah shirkaa Soomaliyeed.
Mee Ugaaskii reer Isaq ama Abaskuul ama Cali Yuusuf yaan ka tagin kii Caabudwaaq ama kii Baajuun Absame xaggee lagu ilobay? Bal ka waran waxaa fadhiya meesha Ugaaska Howraarsame iyo ka dhashiishe kkkkkkkkk Caku reerka ay Ogaadeen horseedka ka yihiin iyo ina dhuunta lagu dhufay kkkkkkk
Xagarka Dhuubow
Anaa Reer Badhaadhe ah ninkaas uusheegaayana ma’aha Ugaas ree Badhaadhe ah, Reer siigaale waa layaqaanaa waana Reer Godey, marka ninka hada ugaaska Tolomoge ugaqaybgalay gudida oday dhaqameedka baa Tolomoge Ugaas u ah. Nimankan waxan soo qorqorayana waa kooxdii Ahmed Madoobe oo inteey jabtay webkeenan xalaasha ah ee dadka fiican ka koment gareyn jireen murankoodii lasoo raadsaday. Yaahuu.
@Kulbiyow walal waxaa wanaagsan in waxa aad soo qoreyso uu ahaado wax aad aqoon u leedahay magaca aad wadatana uu degaanka ka turjumaayo dadka iyo dalkana aad kalagaraneysid. Ugaas Siigaale Guure ( Ugaas Irshaad aabahii) naxariis allaha siiyee waa nin caan ah oo Jeere laga yaqaano malaha Siigaalayaasha ayaa isaga kaa khaldan. Qof kastoo reer badhaadhe ah hadaad waydiiso waa xagee BUULADA (XAAFADA) reer siigaale waala wada garanayaa. Marka walal hadaad wax soo qoreysaan isku daya inaad soo qortaan wax aad baaritaan ku soo samaayseen waxaad na ogaataan in aduunka dacaladiisa laga akhrisanoyo qoraaladiina. mahadsanidin.
Runsheegow Mutacalmiintii iyo Proff. Reerka hoggaaminayayna canaasiir Galti ah oo Qabridahare laga soo eryey ayaa sidii Eyga siday WAC WAC WAC uga lahaayeen dhinacyadooda ayay wareereen. Bal eeg wiil hoogga profaysarka ah President aha Jubbland State Excellence Honn. Proff. Gandi uu u wareeray ka dib markii reer dhunta lagu dhufay ay distress geliyeen. Lkn Isagaa ka guulaystay atleast 7 oday dhaqameed oo soo jireen ahaa oo reer Waamo ku guulaysatay inuu madasha shirka geeyokkkkkkk
long live Jubbaland State with Azania leaadership.
Xagarka Dhuubow