Beenin baaq cambaareeyn

Beenin Baaq Cambaarayn

Anigoo ah Cabdi Ibraahim Magan(Cirjiir) waxaan anigoo tixraacaya qoraal ku soo baxay qaar ka mid ah shabakadaha gaarka loo leeyay taariikhdu markay ahayd 08/05/2012, cinwaakkiisuna ahaa canbaarayn loo jeediyay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Ra’iisal wasaara ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda ku meelgaarka Soomaaliya, halkan ka caddaynayaa inaanan waxba kala socon waxa meesha lagu soo qoray isla mar ahaantaana aanay haba yaraatee jirin wax jaaliyad ah oo isaga timid arrimo noocan oo kale ah amaba shir ka yeelatay sidaa daraadeedna ay tahay been abuur iyo iftiraa aan geed loogu soo gabban adeegsiga jaaliyadda la isticmaalay magaceeda.

Aniga mowqifkayga shaqsi ahaan waan taageersanahay dowladda ku meelgaarka ah iyo madaxdeedaba oo uu ka mid yahay Cabdiwahaab Ugaas, waxaana aaminsanahay ciddii wax dhalliilaysa inay isku daydo inay wax saxdo sheegtana meesha wax ka qaldan yahiin ayadoo aan durbaba qoolka iskala boodin, qiira jabbaana dad qaadin.

Arrimaha dhaqanka iyo maamulka: waxay ila tahay inaan mas’uuliyiinta ku ixtiraamno howlahooda, hadday tahay kuwa dhaqanka iyo hadday tahay kuwa dowladda labaduba. Baaqyada noocan oo kale ah waa kuwo fitin abuuri kara dad badanna mugdi kala galin kara, waxaana ka digayaa in laga waantoobo, waxaa kale oo dambi culus ah inaad qof marato ama ku maxaabsato wax uusan ogayan,lugna ku lahayn.

Asbaabta igu kalliftay qoraalkan:

Waxaa la yiri maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cigaal Shidaad oo hurda ayay sumxaanyo ka martay sanka iyo afka laba dhexdooda, Cigaal waa uu ooyay, dadkii ayaa su’aalay waxyna dhaheen war Cigaal sumxaanyadu kuma qaniinine maxaad la ooyaysaa? Cigaal wuxuu ugu jawaabay waan ogahay oo ima qaniinin laakiin waxaan ka baqayaa in sankayga iyo afkayga dhaxdoodu waddo halaq mareen noqoto. Haddab hadafka qoraalku waa afeef iyo inaan la isku been abuuran mar kale.

 

Cabdi Ibraahim Magan(Cirjiir)

+47 45803959

 

 


E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. sayid maxamed says:

    Bahda jblnews gacantu idin ma go,do waxaad iga badh yarayseen jiro aan ka soo qaaday webwab kale
    ku shida tooshka meeshii madaw oo dhan waca oo la hadla kii laga been abuurtoo dhan xataa la hadla
    oo waraysta kii isagoo wax aan la jelaysan ku hadlaya aad video clip aad ku aragtaan waxaa dhici karta
    in si xun loogu waramay dabadeedna markii laga cadhaysiiyay kaamerada lala gaaday waa hadduu ruux
    fayaw oo fiican ahaa markii hore.guulayasta.


Comments are closed.

download Amaanka Garissa oo soo hagaagayey maalmahan iyo Qarax ka dhacay Caawa.
- Oct 22, 2014
Magaalada Garissa ee caasimada Gobolka W/Bari Kenya waxaa ka dhacay caawa Qarax lala beegsaday ...
Sep_28_2014 copy Xuseen Cabdi Xalane oo Gacan ku gabad ah iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali oo Xisaabtan ooga fadhiya
- Oct 22, 2014
Wasiirka Maaliyada dawlada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayey suuqa si xoog badan u gashay ...
4512756 Dhagayso Sargaal Sare Oo Katirdan Maamulka Jubbaland Kana Hadlay Dagaaladii Xalay ka Dhacay Duleedka Kismaayo
- Oct 22, 2014
Sargaal sare oo katirsan maamulka Jubbaland oo lahadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ...
2a War Dag Dag ah Afar nin oo kamid aha Maleeshiyadii xalay Weerarka Gaysatay oo la Ogaaday Haybtooda Shabaab na Noqon waayey.
- Oct 22, 2014
Afar nin oo kamid ah Koox Maleeshiyo ah oo xalay Saldhiga Ciidamada Luglow u ...
a Wararkii ka soo kordhay weerarkii xalay lagu qaaday Fadhiisin Ciidamada Jubbaland ee Luglow.
- Oct 22, 2014
Ciidamada Jubbaland ayaa duulaan culus ku qaaday goobo muhiim u ahaa Al-Shabaab kuwaas oo ...
sss Daawo:Suxufi Soomaaliyeed oo is barbar dhigay Xaq udirirka ONLF iyo Maamul goboleedka Khaatumo taageerayna.
- Oct 22, 2014
Suxufiga da'da yar ee Soomaaliyeed Daahira Calasow ayaa sheegay in uu si qalabi ah ...
DSC0454 Dhagayso Bank Islaamka oo Maaligalintii oogu waynd ku sameeyey Isbitaalka Garoowe.
- Oct 22, 2014
Bank Horumarinta Islaamka ayaa dhisay Jaamacado,Iskuulaad iyo Isbitaalo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed 20 ...
hh Daawo:Al-Jazeera wax ka taagan Bariga dhexe iyo wal walka Dalka Maraykan.
- Oct 22, 2014
Dawlada Maraykan ayaa wal wal badan ka qabta xaalada dalalka Carabta iyo wax ka ...
fgfg Ra’isulwasaraha Soomaaliya oo dib oogu laabtay Muqdisho Safar maalmo uu Nairobi ku joogay.
- Oct 22, 2014
Ra'isulwasaaraha Soomaaliya ayaa dib oogu laabtay dalka safar oo maalmo ku joogay Magaalada Nairobi ...
download (4) Faahfaahin dagaalkii deegaanka Luglow ee Weerarka ay ku sooq aadeen Al-Shabaab.
- Oct 22, 2014
Waxaa habeenimadii Xalay weerar kus ooq aaday Al-Shabaab Deegaanka Luglow oo saldhiga ay ku ...