Mr. Didumusi Ntushinga “Ma iloobi doono abaalkii ay Soomaaliya ka geysatay sidii dalkeena uu ku gaari lahaa xornimo

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo ka kala socda Dowladaha South Africa iyo Muzampique , kuwaasi oo ka qeyb galay shirka odayaasha uga socda magaalada Muqdisho, waxayna shirkaasi ka jeediyeen khudbado kala duwan oo ay uga hadlayaan farriimo ay ka sidaan Madaxweynayaasha labada wadan.

Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr. Jeffrey Radebe oo nisagu halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo South Africa, wuxuuna ku ammaanay dadaalka shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay u galeen markii dalkaasi uu ku jiray gumeysiga.

Wuxuu sheegay Safriiku sheegay in Madaxweynaha dalkaas Mr. Jacop Suma uu ballanqaaday inuu bixinayo kaalmooyin lacageed marka ay Soomaalidu heshiis rasmi ah ka gaarto khilaafyada dhexdooda ah.

“Ma iloobi doono abaalkii ay Soomaaliya ka geysatay sidii dalkeena uu ku gaari lahaa xornimo” ayuu yiri Mr. Didumusi Ntushinga oo sheegay in dalkooda uu soo maray marxalado dagaal, balse markii dambe ay ka heshiiyeen isla markaana ay sameysteen dowlad dalka oo dhan ka talisa.
Safiirka South African u fadhiya wadanka Kenya waxa uu ku booriyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay soo afjaraan khilaafyada dhexdooda ah isla markaana dalkooda ay u sameeyaan Dowlad la mid ah tan South Africa kale.

“Haddii aad nabadda qaadataan ee aad heshiisaan waxaad ku tala galeysaan taageerada shacabka Muzampique” ayuu yiri Wasiir K/Xigeenka arrimaha dibadda Muzampique oo sheegay in dowladiisu garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Mozambique Dr. Edwardo ayaa isna madasha shirka odayaasha ka sheegay in Dowladoodu aanay iloobi doonin kaalintii shacabka Soomaaliyeed uu ka geystay ka xoreynta gumeysiga dalkooda heystay, wuxuuna caddeeyay in dalkooda sidoo kale uu soo maray khilaafyo iyo dagaallo u dhaxeeya dadka Muzampique ku abtirsada.


E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

34 DHAGAYSO” Deegaanka Goobwayn iyo Ciidamada kusugan iyo Dadka oo Uqaybsan laba Qaybood TOP NEWS
- Oct 31, 2014
Deegaanka goob wayn oo kamid ah Tuulooyinka qadiimiga ah oo dadka kunool ay uqayb ...
news DHAGAYSO: Warbixintii Ugu danbaysay Dagmada Badhaadhe+Xalaada Nololeed oo Lag Dayrin hayo
- Oct 31, 2014
Dagmada badhaadhe ayaa laga dayri hayaa xaaladeeda nololeed waxaana waraysi xiisa badan aan idiin ...
aa TOP VIDEO:Daawo Wiil Yar oo Soomaaliland Ka nixiyey Shacabka Khaatumona Faraxd Galiyey.
- Oct 31, 2014
Wiil Yar oo ka soo jeeda Gobol Sool ayaa tiriyey Gabay tix dhaanto ahan ...
breaking-news War Dag Dag ah Meydka Taliyihii Booliska oo Naiorbi loo qaaday Garoonka Aadan Cadan na laga dhoofiyey.
- Oct 31, 2014
AUN Meydhkii Taliayah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil ayaa Goor dhaw Meydkiisa ...
ghg Xogo raadin dheer kadib Sababaha uu dib oogu dhacay Hawlgalka Ciidamada Jubbaland oo la Ogaaday.
- Oct 31, 2014
Horaantiin Bishan Oct ayey Ciidamada dawlada Goboleedka Jubbaland waxay ka baxeen aaga hore ee ...
DDSGDSGDGDSGD Daawo”Jubbaland oo aan ka qayeb galin Shirkii Caalamiga ahaa magacan lagu qurxinayo Ina ay Joogto.
- Oct 31, 2014
Shirkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay Imraadka carabta oo ayna ka qayb galay maamulka ...
unnamed Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada
- Oct 31, 2014
Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon ...
DSCN7161 “Kismaayo Xog hoose” Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga oo ku Goodiyey in uu iscazilaya TOP NEWS.
- Oct 31, 2014
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Col:Maxamed Faarax Warsame "Darwiish" ayaa maalintii shalay wax uu ...
1781 (1) Ciidamada Maamulka Jubbaland oo xeelada dagaal u baneeyey Saldhiyo ay Horay u joogeen dhanka Buuloguduud.
- Oct 31, 2014
Ciidamada Maamulka dawlada Goboleedka Jubbaland ayaa baneeyeye saldhiga ay horay u daganaayeen saldhigan oo ...
IMG_DEFE62-50E3A6-FA33A0-D93034-63111E-584088 Kismaayo oo lagu qabqabtay Raga haybtoodu noqotay Al-Shabaab iyo Guro Hub laga soo saaray.
- Oct 31, 2014
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay fiidnimadii baadhitaan ay sameeyeen ...