Labo Shabaab ah oo u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii maanta
Is ka hor imaad maanta ka dhacay Cag Libaax una dhaxeeya ciidamada dowlad goboleedka Azaaniya uyo kuwa Shabaab ayaa sababay 3 dhimasho ah laba dhaawac ah oo laga qabtay Shabaab. Labada nin ee dhaawaca ahaa ayaa galabta la xaqiijiyay in ay u dhinteen dhaawicii dagaalka ka soo gaaray.Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada hogaamineeysa oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in dagaalku ahaa mid kooban oo aanay labada dhinac midna u habar wacanin. Deegaanka Cag-Libaax oo uu is ka hor imaadkani ka dhacay ayaa dagan iyadoo mar walba la filan karo in dagaaladu si xoowli ah u biloowdaan.
Shabaabka Jubbooyinka ayaa lagu soo waramayaa in awoodoodii weerar wiiqantay isuguna soo biyo shubteen in ay difaac cago buuran ku taagneeyn galaan.
Jubbalandnews.com
AZAANIA IYO KENYA MAXAAD SUGEYSAAN WAA UN ADD XOREYSAAN DHULKA AFMADOOW,BADHAANE,BUALE,KISMAAYO DHULKAAN DHIBBADAN BAA KAJIRTO KENYA WAXAY U TIMID IN AY MEESHAN LACAG KA SUUBISO MARKA WAA IN DHULKA XOREEYAAN.