DKMS oo sheegtay in arrimo farsamo awgeed uu dib u dhacay soo xulidii ergooyinka

Xukuumada  ka qeybgeli lahaa shirweynaha ansixinta Baarlamaanka, ka dib markii mudadii horey loogu qabtay ay dhamaatay iyadoo aan ergooyinkii la soo xulinin.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ahna la taliyaha Ra’isul wasaaraha Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay inuu jiro daahitaan iyo arrimo xag farsamo oo dib ugu dhacay, isagoo xusay inay socdaan dedaalo.

“Daahitaan ku saabsan shirka dastuurrka wuu jiraa iyo in xag farsamo ay dib ugu dhacday howlihii soo xulidda ergooyinka shirweynaha dastuurka ansixinaya, shirka odayaasha dhaqanka waxa uu ahaa mid ay isku baranayeen, dedaalna waa socdaa, cilado waa jiraan dastuurka qabyo qoraalka, in marhore dadka loo bandhigo ayay aheyd, balse waa ay daahday” ayuu yiri Eng. C/raxmaan Yariisow.

Sidoo kale Eng. Yariisow ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka uu weli u socdo kulamo wacyi gelin, aqoon is weydaarsi iyo sharaxaad laga siinayo Dastuurka, iyo sidii ay u soo xuli lahaayeen ergooyinka, wuxuuna intaasi ku daray in marka uu dhamaado shirka odayaasha loo gudbi doono in la soo xulo 825-xubnood ee ansixinaya Dastuurka, ka dibna ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanku Baarlamaanka cusub sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Saxiixayaashii Road Map-ka ay ka shiri doonaan arrimaha soo kordhay, si ay xal ugu helaan, waxaana uu intaas ku daray marka ay isugu yimaadaan saxiixayaasha loo gudbi doono xulista 825-ta xubnood ee ansixinaya  qaybyo qoraalka Dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee 15-kii bishan May oo doraad ku beegneyd ayuu  qorshuhu  ahaa in lagu soo diyaariyo ergooyinka ansixinaya Dastuurka, waxaase la xaqiijyey inay dib uga dhacday iyadoo aan la cayimin waqti kale oo go,an oo ergooyikaasi la soo xulayo, waxaana dhinaca kale jira warar sheegaya in weli khilaafyo ay ka taaganyihiin Dastuurka qabyo qoraalka, ka dib markii Odayaashii ka socday Puntland ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, ka dibna  ay dib ugu laabteen magaalada  Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Jubbalandnews.com

E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

sdfsf TOP VIDEO”Suldaan Luga Dheere Muxuu Ka yidhi Xaalada Buulo-guduud.
- Nov 29, 2014
Madaxwayne Kuxigeen Maamulka Jubba Suldaan Luga dheere oo ka warbixin Xaalada ay ku soo ...
download Xog Hoose”Madaxwayne Xassan Sh oo Warqada digniin ah loo keenay…..
- Nov 29, 2014
Xog hoose oo aan ka helay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya Sh Maxamuud ayaa sheegaysa in ...
digniin-4 TOP NEWS”Maxaadan Ogayn oo Muqdisho Ka cusub saaka…….
- Nov 29, 2014
Xidhibaanada Taageersan Ra'isulwasare Cabdiwali Sh Axmed ayaa sheegay in ay rajo fiican ka leeyihiin ...
dsdsdf DHAGEYSO”Mucjiso Muqdisho Saaka ka dhacay iyo Dad dhaawacyo darans oo gaadheen…..
- Nov 29, 2014
Waxaa Habeenimadii Xalay mid kamid ah Xaafada Muqdisho weerar ku qaaday Libaax oo ay ...
nuunow DHAGEYSO”Madoobe Nuunow Raxanwayn way heshiisay Sadexda Gobolka ayaana isku raac……….
- Nov 29, 2014
Madaxwaynihii sadexda gobol madoobe Nuunow ayaaa sheegay in Raxmanw ay heshiisay isla markaan uu ...
64-400x300 DHAGEYSO Ciidamadii Barre Hiiraale oo Wali Jooga Duleedka Kismaayo Dhibna ku haya……..
- Nov 28, 2014
Magaalada Goobwayn oo ah duleedka Magaalada Kismaayo aya waxaa kunool dad Xoolo dhaqato iyo ...
timthumb TOP NEWS”Buulo-guduud oo Geeridu 6 Marayso iyo Xaalada adag oo ka Jirta Caawa…….
- Nov 28, 2014
Warka aan Caawa ka helayno Magaalada Buulo-guduud ayaa sheegay in Xaalada Xun ay ka ...
JFHKJHFLAJ WAR CUSUB”Waxaanada Ogayn Qabrigii Siyaad Barre oo Ciidamo loo diray Maxaa laga Rabaa
- Nov 28, 2014
Maalin dhawayed waxaan baahinay In Ciidamo Afka duubayn ay gaadheen Magaalada Garbahaaray waxayna Ciidamo ...
141122223804_abdikadir_lawyer_640x360_bbc_nocredit DHAGEYSO”Waxa ka taagan Kenya iyo Siyaasiyiinta Gacmaha isula Tagay Dood,Faarax Macalin
- Nov 28, 2014
Siyaasiyiinta reer Kenya oo ku kala aragtid duwan hanaanka Aniga dalka Kenya ayaa sheegay ...
Deputy Speaker Farah Maalim WAR CULUS”DHAGEYSO Faarax Macalin oo daarka ka qaaday Arin lalayaabay iyo Dooda adag….
- Nov 28, 2014
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaaka dalka Kenya iy0 Siyaasiyiin reer kenya oo Idaacada BBC du ...