Suldaanka Bartire ee Soomaaliya oo sheegay in booskiisii niman Jigjiga ka yimid Boobeen.

Suldaan Ibraahin oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay In Booskii Niman Jigjiga ka Yimid Boobeen Isagoo Markaas u jeeda Liisk Odoyaasha Absame ee ka qayb galayay Dastuurka La isku Haysto ee Soomaaliya,, Suldaanku eeda wuxuu saaray Isla Niman ka soo Jeeda Beesha Bartire oo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, Sheegashadda qoraalka Suldaanku wuxuu u Qornaa Sidan Hoose.

Suldaan Ibrahim Suldan Adan oo sheegay in isagoo Marti u ah DKMG Magaciisa laga tiray Liiska shirka odayaasha ee Muqdisho ( Warsaxaafadeed).

Waxaan ahay Suldaan Ibraahim Suldaan Aadan Geedi Suldaanka Bartire ee Soomaaliya, waxaana asal u ahay ina suldaan, Suldaan Adan Gedi oo ah aabahay waxu lasoo shaqeyey saladiinta Absame ee Somalia sida Sudaan Cali Sokor “maxamad Subeer’ Suldaan Qorane “Cawlihan”, Suldan Nageye “muqabal” iyo saldiin kale ee Absame, iyo weliba saladiinta Daarood ee koofurta Somalia.

Waxa mucjiso, filinwaa iyo amakaag noqotay anigoo marti u ahaa dawladda KMG Somalia si aan ugu qeyb galo shirka salaadiinta somaliyeed, in rag Bartire sheeganaya oo iiga yimid dhanka Galbeed, Jigjiga, Ethiopia ayna ka mid ahaayeen Cabdulaahi “ina dool ablela” ah wasiir-xigeen Dowlada kumeelgaarka ee Somalia iyo Cabdi xasan kokala oo 80 jir ah ay ku dhiirradaan in ay magacayga iyo martabadayda ka tiraan liiskii salaadiintii soo maaliyeed ee soo jireenka ahaa ama asalka ahaa ee shirka Somalia ka qeyb galayay, ayagoo adeegsanaya awaadda xileed ee wasiirnimo ee ina dool ablela dawaladda Somalia ugu haya, kuna badeleen magacayga oday waayeel 80 jir ah oo anigu suldaankiisa ahay.

Waa dheygaag in shaqsiyaadkaa Jigjiga iiga yimid ay ku dhiiradaan in si barer ah u wasakheeyaan sharafta, xurmadda, karaamadda, jiritaanka iyo haybadda beesha bartire ee soomalia.

Shaqsiyaadka ku dhiiraday inay baabi’yaan, tirtiraan, wasakheeyaan suldaan beeleed suldaan nimadiisa oo beeshiisu hawl ugu maqan jawaabteeda waxa loogu fhadhiya inu bixiyo Garaadka bartire “Garadka Maxamud Garad Dool Garad Xirsi”, waayo shakhsiyaadkaa xagiisa ayay nooga yimaadeen.

Ma dhici kartaa rag xagayga ka yimid inay tagaan jigjiga ay ku dhiiradaan yiraadaan qoraan garaadka bartire ma ah kan ee waa kan annaga aan wadna, waa madacdo mana aqbali doono waxaas.

Garaadka Maxamuud Garaad Dool iyo dhamaan bartiraha galbeed waxaan ugu fadhiya cabdi xasan kokakola iyo Cabdulahi “in dool ablela” jawaab degdeg ah inay igasiiyaan, warqadda ay meesha geeyeen, farahana kala baxaan beeshayda.

Dawladda Somalia markaan weydiinay, magaceyga waxa beddelay waxay si cad u sheegeen in ina dool ablela dawladda fartey inu usoo gudbiyo suldaanka asalka ah ee baritre, markaa ayuu gudbiyey, asagoo cabd ixasan kookakola la tashaday, odayga waayeelka ah oo aan suldaankiisa ahay, oo hadda magaceyga bedelkiisa meesha ku fadhiya doonayana inu shirka sidaa ugu qeyb galo, aniguna banaanka ka ahaado, ayadoo la adeegsaday awooda wasiirnimo ee ina dool ablela iyo talada cabdikokakola.

Garaadka iyo beesha Bartire iyo aqoon yahanka Bartire meel kasta uu joga waxaan ugu fadhiya jawaab degdeg ah inay ka bixiyaan fadeexadan, maxkamadna isoo taagaan labada dambiile, ee colaad ka dhex hurinaya Bartire, Saladiinta Absame ee loo xilsaaray arrintan waxaan ayagana ka sugaya go’aankooda ku aadan ku xadgudub suldaan.

Madaxweynaha, Ra’sulwasaraha, Ra’sul wasaare ku xigeenka ee dowladda Somalia oo ayaguna arritaan wadar jeer la horgeeyey, lagu wareejiyey documents caddeynaya asalnimada suldanimadeyda, garwaqsadeyna, ballan qadeyna in aysan raalli ka noqon doonin khaladkan iyo fadeexadan , ayaguna waxaan ugu fadhiya ballan qaadkooda inuusan noqon AF ! ee ficil ku aadan la hela.

Suldaan Ibrahim Suldaan Adan Gedi


Jubbaland News, Kismaayo.


E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Waa xaajo ugub ah bililqadan cad ee uma taallo Garaad Xirsi Dool ee waxay u taalaa shacabka Jubbooyinka ee ku abtirsada Jidwaaq iyo Absame iyo xukuumadda uu Pr. Gandi madaxweynaha ka yahay haddii kale isga soo tag Sultaanow xaalna qaado.
    Xagarka Sdhuubow


Comments are closed.

jkhsjklhdsds WAR CUSUB:Dawlada Puntland oo si ka duwan Jubbaland ooga hadashay Magacaabistii Cumar Cabdirashiid……
- Dec 22, 2014
Madaxwaynaha Maamulka Puntaland ayaa ka hadalay sida ay u aragto Puntaland Magacaabista Ra’isulwasaaraha Cusub ...
News_live_logo_ Maxaadan Ogayn oo Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Wararka Saaka ee Soomaaliya oo dhan “DHAGEYSO”
- Dec 22, 2014
Wararka saaka ee Soomaliya waxaad ku maqali doontaan Warar la xidhiidha dagaal habeenimadii xalay ...
vdvd Daawo Muuqaal Muujinaya Isbadalka Waxbarashada Muqdisho iyo arday Turki ah……..
- Dec 22, 2014
Magaalada Muqdisho waxaa ka jira Hay'ado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ay ...
index Ma Ogtahay maanta iyo Villa Soomaaliya wax ka jira Xasan iyo Jawaari “TOP NEWS”
- Dec 22, 2014
Villa Soomaaliya oo jgashay jawi cusub saaka iyo xalaada adag oo ka jirta madaxtooyada ...
1011 DHAGEYSO:Gobolka Mudug oo ay ka jiraan arimo adag iyo Gudoomiyaha gobolka oo sheegay…..
- Dec 22, 2014
Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay oo la hadlay Warbaahinta gudaha,ayaa sheegay inuu kormeer ku tagay ...
untitled Waa Kuma Cumar Cabdirashiid Dhageyso dood Culus Aqoonyahana Cumar ay Wada shaqeeyeen iyo Siyaasiyiin……
- Dec 22, 2014
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa malintii Arbacada taariikhduna ...
cssdsdsds WAR CUSUB:DHAGEYSO:Gudoomiyaha Dagmada Magaalada Dhooblay oo Sheegay Arin Shacabka Jubbooyinku……
- Dec 21, 2014
Magaalada Dhoobely waxaa isbuucan la geeyey boqolaal qoys oo qoxootiga Dhadhaab ka guuray kuwaas ...
Wakiilada_JUB_Punt_kulan_Gaandi Kulan ka dhacay Nairobi oo Profer Maxamed Cabdi Gaandhi ka Qayb galay Maxaa lagaga Hadalay…..
- Dec 21, 2014
Xildhibaan,Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya horayna usoo noqday ...
sjs14 Daawo Sawirada iyo Sida uu u dhamaaday Shirkii Dalka Jabuuti ka socday……
- Dec 21, 2014
Wafdiga uu horkacaayay Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan maamulka Soomaaliland ee uu hoggaaminayo,Mudane ...
69339891 Ma Ogtahay wax ka socoda Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose……..
- Dec 21, 2014
Magaalada Barawe waxaa maanta ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Saraakiisha Ciidamada AMISON ...