Afhayeenka beesha Coowlyahan W.A: Waxaan kula talinaynaa shaqsiyaadka qas wadayaasha ah af lagaadaynayana madaxda dhaqanka inay ka tanaasulaan

KA:  JAALIYADA QURBO JOOGTA CAWLYAHAN ABSAME

UJEEDO:  Talo soo jeedin ku aadan shirka ansixinta dastuurka iyo ugaasyada shirka uga qayb galaya beesha.

Ka dib markii ay masuuliyiinta, wax garadka, iyo aqoonyahanada Jaaliyada beesha Cawlyahan Absame Daarood ee ku nool Waqooyiga Maraykanka ay falanqeeyeen hanaanka geedi socodka dowlad wadaaga Soomaaliya iyo shirka ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah, ayey Jaaliyadu soo saartay baaq iyo talo jeedin u dhigan sidan hoos ku xusan.

1. Waxaan taageersannahay Dowlada Kumeelgaarka ah iyo masuuliyiinta dowlada ee ku howlan wanaaga dadka iyo dalka somaaliyeed isla markaana gacanta ku haya ururinta oday dhaqameedyada iyo sugidda hanaanka madasha shirka. Waxaan ku baaqeynaa inaan la arbushin shirka oday dhaqameedyada ee muqdisho ka socdo, loogana danbeeyo masuuliyiinta dowlada iyo ugaasyada matalaayo bulshada Soomaaliyeed.

2. Jaaliyada Cawlyahan waxay taageersan tahay kuna kalsoontahay xubnahooda dowlada oogu jiro, oday dhaqameedyadooda, iyo ugaas-yadooda shirka uga qayb galaya ee uu hogaaminayo Ugaas Cumar Xiireey oo haatan madasha shirka u fadhiyo beesha Cawlyahan. Ugaas Cumar waa oday dhaqameed aqoon dheer u leh xeerarka iyo dhaqamada Soomaalida magac iyo maamuusna ku dhex leh beelaha Soomaalida, beelaha Daarood, Absame iyo tan Cawlyahan-ba. Ugaas Cumar Xiireey ayaa ka mid ah ugaasyada faro ku tiriska ah ee mar walba u taagan nabadeynta beelaha iyo ka shaqeynta dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato. Ugaaska shaqooyinka muhiimka ah ee uu u hayo ummada soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana beeshiisa waanu ku garab taaganahay, waanna u soo ducaynaynaa isaga iyo inta wanaaga ka shaqeenaysaba.

3. Waxaan kula talinaynaa shaqsiyaadka qas wadayaasha ah af lagaadaynayana madaxda dhaqanka inay ka tanaasulaan farahana kala baxaan ku xadgudubka madaxda dowladda iyo ugaasyada beesha. “xumaan xumaan bay dhashaa wanaagna wanaag” 

4. Kadib markaan indho indheenay hadalada ka taagan Dastuurka Qabyo Qoraalka ah, falanqeynayna qodobada dastuurka. kadib markaan qiimaynay xaalada wadanku haatan ku suganyahay, waxaan aamin sannahay in Dastuurka Qabyo Qoraalka ah laga saxo qodobada lagu muran sanyhan. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda DKMG ah, odayaasha daqanka, iyo aqoonyahannada inay waafajiyaan qodobada lagu muransanyahan sharciga islaamka, kadibna la ansixiyo Dastuurka.

 Siyaad Xassan Caajiye

Afhayeenka Beesha Cawlyahan ee Waqooyiga Amerika

Tel: 612 – 203 – 0157 * Email: Cawlyahannorthamerica@gmail.com


E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Dr. Kulbiyow says:

    Bravo beesha Cawlyahan, Ana iga suga tii Maqaabul. Dhamaan beelaha Baha Ogaadeen iyo Absamaba waysoo wadaan baaqoodii

  2. Daacad says:

    MashaAllah. Very good very good. Bahda ree cawlyahan way ku mahadsanyihiin baaqa ay soo saareen. Waa baaq iyo talo wanaagsan oo beesha iyo soomaali oodhan taabatay. Absame ha israaco. Absame ha guuleysto. Soomaaliya ha noolaato. Bah weynta cawlyahan aad ayay ugu mahadsanyahay mar labaad baaqa iyo talada ay soo saartay.

  3. maxamed says:

    waxad sheegten waa been mana jira ninkad ku shegten af hayenka besh waa ben cad mana jirto cid ku wafaqsan waxas kana firsada waxan okale mardamabe

  4. Cabdi Cali says:

    Babda JLN waad mahasantahiin. Nin walba inta suud xidho ayuu ku leeyahay afhayeenka cowlyan ayaan ahay. Ma jirto meel cowlyahanka waqooyiga america isugu yimid oo ku doortay afhayeen. Siyaad Xassan fikirkaaga xor ayaad u tahay, laakiin magaca beesha ha afduubnin. Waad mahadsantahiin.

  5. Caaqil Mohamed says:

    Cowlyahan Absame Daarood……war laaxinka ka daaya abtirka.

  6. haaji hussein says:

    asc mahad ilaahay baa leh oo islam naga dhigay oo noo gargaaray ,ama bacdi waxaan aad u taageereynaa nabadoon siyaad xassan oo runtii eh nin mas uul eh oo sadiiq eh kadib markuu u istaagay wanaaga somaaliya kan beel weynta daarood,kan kablalax,kan absame iyo ogaadeen qaasatan kan cowlyahan uuna doonayo in wanaag uu kataliyo iyo in uu dhamaan eheladiisa iyo dhamaan kan somaliyeed inuu gaarsiiyo in wadajirku uu wanaagsan yahay kala qobqobkana uu san waxba tareynin walaal in wanaag iyo wadajir ka hadlay oo nadiif eh waxaad ku diidid waadhibaato aad la rabtid reerkaaga iyo qoyskaaga ama soomaali oo dhan eee waxaan kugula talinayaa hadaad wax wanaag aad rabtid soo dhawaaw oo iska daa inaad meelaha ka aflagaadeysid nabadoonada iyo cukaasha waa wada adeeradaa iyo awoowyadaa ,tankale af caytinkiisa wax buu kaa bur buriyaa ee waxba kuuma qabto ,maxamed guulayso oo ilaahay ka baq waxaas oo kalena iska daa. soomaali ha noolaato ha is raacdo somaliya somali baa leh

  7. Gaalkacyo says:

    Waa beenaale Siyaad Hassan Caajiye. Cumar xirrey Ugaas uma aha Beesha Cawlyahan ee wax hubso inta aadan wax qorin. Waa ceeb aan geed ku gabad lahayn hadii aad leedahay Cumar Xireey waa Ugaaska Beesha Cawlyahan.
    ………..Ugaaska beesha Cawlyahan waa Ugaas Hussein Ugaas Qorane, Ugaas Mohamud UGaas..

  8. Abdi Garissa says:

    KU Gaalkacyo
    SXB bal dib u jaleec ciwaanka, muusan dhihin waa ugaaska beesha cowlahan ee wuxuu yiri afhayeen.


Comments are closed.

Jawaari_134 Gudoomiyaha Baarlamaanka oo digniin Culus jeediyey Maxay tahay Digniintaasi.
- Oct 21, 2014
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin culus u jeediyey MAs'uuliyiinta iyo Xubanah Hormuudka u aha ...
download (1) Wabiga Jubba oo ku fatahay dhulbeereed aad u baaxdwayn oo ka tirsan Dagmada Jamaame.
- Oct 21, 2014
Wabiga Jubba ayaa ku fatahay dhul beereed aad u balaadhan wuxuuna maasheeyey guud ahaan ...
Bulo-Gadud2 Xog Hoose Waa sidee Xaalada Ciidanka Buuloguud iyo hawlgalada Halkaas ka socoda.
- Oct 21, 2014
Ciidamada Jubbooyinka ee duulaanka ku ahaa Dagmada Jilib ayaa waxay mudo sadex isbuuc ka ...
64 Sh Axmed Madoobe oo Saaka u anbabaxay deegaano Cusub gudahana u galay deegaanka joorre.
- Oct 21, 2014
Wararka aan ka helayno Tuulada Kaambooni ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed ...
GARSOORKA copy Sawir:Faarax Cabdiqaadir xagee ayuu geeyey Cadaaladii Soomaaliya Ee Wasiirka looga dhigay.
- Oct 21, 2014
Farshaxaniistaha Amiin Caamir ayaa maalmaha sawiradiisa wuxuu inta badan ku muujiyey xaalada dalku marayo ...
20140922_174405 Kismaayo iyo Garbahaaray Maxay tahay Sirta Hoose ee la isla Maaganyahay.
- Oct 21, 2014
Abaabulka Shirka Garbahaaray waxaa iska lahaa siyaasiyiin ka soo jeeda mid kamid ah Beelaha ...
images (1) War Dag Dag ah Ra”isulwasaaraaha Soomaaliya oo Nairobi ku soo wajahan iyo Axmed Madoobe maalmo gudahood Nairobi ku soo laabanaya.
- Oct 21, 2014
Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed ayaa maalmahan ku soo wajahana magaalada Nairobi iyadoo balanta ...
download Kulan Maanta dhexmaray Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Col:Barre Hiiraale oo Natiijo la’aan ku dhamaaday.
- Oct 20, 2014
Madaxwaynaha Soomaaliya xassan Sh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku marti qaaday Col:Barre Hiiraale  kulanka ...
201410206354940653595006922 Shidaalka Soomaaliya oo lagaga hadlay Shir ka dhacay Magaalada LONDON.iyo Madax Afrikan ah oo Joogtay Shirka.
- Oct 20, 2014
Waxaa maanta ka dhacay Magaalada London ee cariga Ingriiska Shir ay isugu yimaaden Shirkado ...
65 (1) Barlamaanka dalka oo maanta Furmay iyo gudiyada qaar oo warbixino laga dhagaysanayo.
- Oct 20, 2014
Baarlaamka Soomaaliya ayaan dib u bilaabay doodihii iyo dhagaysigii gudiyada baarlamaanka kuwaas oo mudoba ...