Xildhibaan Maxamed Cabdi Afeey oo si heer sare Denmark loogu soo dhaweeyay. Daawo sawiro
Tariikhdu markii ee aheyd 22-05-12 waxaa casimada labaad ee dalka Denmark magaalada Aarhus lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Mohamed Abdi Affey.
oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka kenya waxaana loo sameeyay xaflad balaaran oo ay ka soo qeygaleen dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Aarhus ee dalka Denmark.
Xafladaasi oo siwayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay culumaaudiinka, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsho waynta soomaaliyeed ee magaalada aarhus.
Waxaa si wacan oo wanagsan u soo dhaweeyay Xildhibaan Mohamed Abdi Affey Jaaliyada Jubbooyinka ee ku dhaqan magaalada Aarhus.
Waxaa xusid mudan in ay munasabadaani lagu soo dhaweeynaayay ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin:
Ugaas: Cabdirahmaan Mohamuud Qani
Korneel: Subeer Cabdikariim Boodhle
Nabadoon: Axmed Qeybdiid Omar
Mohamamud Haybe
Cali saalax
Mohamed Carab (Qiilmawaaye), Mohamed yussuf sahal, Mohamed Deeq Adow ,Farxaan Omar Mohamed, Mohamed Cali Sofe, Cabdifataax mohamud Qorahay.
Xafladaasi ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi wanagsan.






Jaliyada denmark wadmahadsantihiin sodhawayta. Xildhibaanku waa xaq sabaab. Wageesi wanaaga jecel udadaala dadkiisa iyo dariskiisa fiicanba viv Mohamed Abdi afeey
Aad baad umahadsantihiin Jaaliyadaha Denmark iyo Australia ba, madaxdeena geesiyiinta ah ee dadkeena udadaala meelkasta ooy joogaan waa in loo abaalgudaa oo meel walba lagasoo dhaweyaa doorashadana lagarab istaagaa. Inkasta oo aan lasoo koobi karin waxyaabaha uu qabtay hadana waxaa aad loogu xasuustaa barigii Axmad Madoobe diyaaradu kulasoo khaldantay Nairobi siduu ubad baadiyay ee intii wax walba lasameeyay gacantooda lagala bixi waayay isaga iyo madax Ogaadeen ah oo kale. Viva jaaliyadaheena viva Hon AMB Haji Mohamed Abdi Affey.
Fadlan qaab aan Facebook ugu post garaysan karo wararkiina noosameeya dhageysigana mp3 noogasoodhiga, website-yadii kale oo dhan idinkaa kawarfiicnaadaye. Dadku baryahan Europe iyo America-ba inta badan iPhone ama iPad buu istiaalaa. Mahadsanidin. Bravo Jubbalandnews.
Wow! viva Jaaliyadaha Denmark iyo Australia, viva Hon AMB Mohamed Abdi Affey, Bravo Jubbalandnews. Geesiga dadka iyo dalka haloo dadaalo. Thank you so much.
Waa sidaa dr kulbiyow shegaye jubbalandnews. Aad iyo aad yad uwarficantihiin Runtana waad kudadaa shaane. Dadaalka badiya mp3 Iyo Tv. Ba
Viva Azania Guuleeysta azania Guuleyso afey Guuleeysta Taageerayaasha.
Waa inoo Azaania inagoo Nabad ah