|

Ma dhabaa in Shabaab J/Hoose miciin bideen maxeeyse kala kulmi karaan..

Waxaa marag ma doonta ah in xarakada Shabaab cagta saartay wadadii burburka ka dib markii laga fara maroojiyay deegaano badan oo bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ah. U soo dhaqaaqa Amisom iyo ciidamada DKS ee dhinaca Shabeelada Hoose ayaa muujisay in ay adag tahay in Shabaab sii heestaan deegaanadii horey uga talin jireen. Shabaabka oo sheegi jiray in aanay gaalada ka carareeyn oo ay jihaadayaan ayaa cagta saaray wadada aada Sh/Hoose ilaa Kismaayo.

 Sida dad badani saadaalinayaan Marka iyo Baraawe ayaanan looga dabi hari doonin iyadoo la iloobeen culeeska Shabaab ka saaran Jubbooyinka, Bay, Bakool  iyo Gedo. Saraakiil iyo maleeyshiyo badan ayaa ku sii qulqulaya J/Hoose oo ay 2006 in badan oo iyaga ka tirsan ku badbaadeen.

Hadaba 2012 ma aha 2006 hoowdka J/Hoosana ma aha goob ay ku badbaadaan is ka daayee meel ay ku jabhadeeyn karaan. Sababta koowaad J/Hoose iyo Gedo waxaa ka hoowl gala ciidamada dowlad goboleedka Azaaniya oo Kenya is garabsanayaan. Hoowdka Badda Madoow Shabaab goor hore ayaa laga soo saaray oo Hoosingoow ayaa loo fadhiyaa. Shacabka Jubbooyinka oo aan iloobin balan furka Shabaab iyo dhibkii gobalka ku hayeen sanadahan danbe oo ay gacanta ku hayeen iyo iyadoo dowladaha ugu tunka roon dunida ka go’an tahay in xarakada Shabaab la soo afjaro iyagoo taageero milatari oo ka awood sareeysa kuwa dhulka ka dagaalamaya la diyaar ah.

Is ku soo duuboo Shabaab markii ay awooda laheeyd kuma darsan xikmad ay kaga faa’ideestaan u gacan galkii dalka Soomaaliyana ka badbaadiyaan fara galin shisheeye hada oo ay awood liitaana uma muuqdaan kuwa heli kara meel ay ku sii daba dheeraadaan.

Jubbalandnews.com

jlandnews@gmail.com

2 Responses for “Ma dhabaa in Shabaab J/Hoose miciin bideen maxeeyse kala kulmi karaan..”

  1. QOQAANI says:

    ABSAME NIMAKII WAA SOO DHAQAAQEEN WAA IN HURDA LAGA KACO OO DAGAAL LAGU QAATO CIRKA IYO DHULKA AH IN AY DAALANYIHIIN MAXAA YEELAY HADAY NASTAAN JUBOOYINKA WAA ADKAANEYSAA IN LAGA SAARO MARKA DOWLADA KENYA WAA IN AY SOO DHAQAAJISAA SI DEG DEG AH MAXAA YEELAY NIMANKAN WAA KU DAGAALAMAYAAN JUBOOYINKA MEELIHI OO DHAN WAA LAGA SOO SARAY,

  2. Abdirahman says:

    @ QOOQAANI

    Miyaad waalan tahay maxaa lasoo dhaqjin meesha!!, war wiilshan yar yar ee wax aan laganaynini lugooyay ee soomaaliyeed wax hada kenyaay soo dhqaaq laga yidhaahdo malahan ee is daji walaalo.

    Dhalinyarada kenyaaanka la socota runtii ma jecli in sidaas wax u dhacaan waxaanse uga mahad celinyaa oo la ii sheegay in ay aad iyo aad uga war wareegaan in ay cagta mariyaan wiilashooda yar yar ee la khalday( shabaabka) kuwooda dhaawacmana ay xanaaneeyaan iskana siidaayaan iyagoon ogolayn in ay udhiibaan reer galbeeka iyo kenya toona

Comments are closed