Madaxweyne Shariif iyo kolonyo uu la socday oo lagu weeraray jidka is ku xira Xamar & Afgooye

Madaxweynaha Dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo wafti uu hoggaaminaayo oo maanta gaaray degmada Afgooye ayaa deegaanka Calamada kula kulmay weerar ay kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al shabaab.

Madaxweyne Shariif iyo waftigiisa ayaa markii ay kasoo laabteen degmada Afgooye waxaa deegaanka Calamada u galay kooxo hubaysan kuwaasi oo rasaas oodda kaga qaaday gaadiid waday Madaxweynaha.

Rasaasta oo socotay qaddar daqiiqado ah ayaa dhexmaray Ciidamada Dawladda ee horay meesha ugu sugnaa, Ciidamada ilaalinaysay Madaxweynaha iyo kooxahii weerarka soo qaaday.

Inkastoo weerarku dhacay wakhti dhow ayaa waxaa hadana kasoo baxaaya warar hordhac ah khasaaraha ka dhashay weerarka maanta.

Wararka hordhaca ah ayaa soo sheegaaya in uu hal ruux geeriyooday, sidoo kalena ay dhaawacmeen 7-kale oo u badan Ciidamada Dawladda KMG ah.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Afhayeenka Ahlusunna ee qaaradda Yurub Abwaan Awliyo, waxaana soo gaaray dhaawac aan ilaa iyo hadda la shaacin sida uu yahay.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dawladda oo ay kamid yihiin Wasiirada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale oo Dawladda ka tirsan ayaa weerarkaasi ka badbaaday mana jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay.

Kooxahii weerarka soo qaaday ayaa markii dambe meesha ka baxsaday waxaana jira khasaare ay Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM dagaalka gaadmada ah ku gaarsiiyeen.

 Jubbalandnews.com

E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

download Wariyaha Kismaayo ee Jubbalandnews oo xaqiijiyey in uuna Jirin wax qarax ah.
- Oct 24, 2014
Wariyaha Shabakada wararka Jubbalandnews ayaa noo xaqiijiyey in ayna jirn wax qarax ah oo ...
1781 (1) War Dag dag Tuulada Cabdile Biroole oo ay Gaadheen Ciidamadii Shalay ka baxay Kismaayo maxaa ka dhacay halkaas.
- Oct 24, 2014
Tuulada Cabdile Biroole oo u jira magaalada Kismaayo qiyaastii 50KM ayaa waxaa gaadhay boqolaal ...
download6-300x225 Amniga Kismaayo meel fiican maraya iyo Gudoomiyaha Magaalada oo sheegay in ayan Jirin……………..
- Oct 24, 2014
Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamd Yusuf(Timojilic) oo sheegay in Amaanka Kismaayo uu marayo meeshii ...
wa War Dag Dag ah Ciidamo u dhaqaaqay Deegaanka Kudhaa iyo weerar dhanka Bariga ah oo Ciidamadu.
- Oct 24, 2014
Magaalada Kudhaa oo kamid ah Xarumaha saldhiga u aha Ciidamada ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ...
wer Jubbooyinka oo diyaarada Sawir qaadu xalaya laga seexan waayey guuxeeda iyo Shabaab oo baqdin ku dhacday.
- Oct 24, 2014
Diyaarada qaada Sawirka kaas oo marka ay sawirka qaado ay diyaarad kale duqayso meesha ...
2589 War dag dag ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo Shir dag dag ah ooga socodo xarunta madaxtooyada Kismaayo.
- Oct 24, 2014
Xarunta madaxtooyada Magaalada Kismaayo waxaa saaka ka bilowday Shir ay isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada ...
257 Daawo:Ganacsato Beenisay Warbixintii Unta ee Magaalada New Yorka ka soo baxday iyo Shir ay Kismaayo Kuq abteen.
- Oct 24, 2014
Waxaa maalintii Shalay Magaalada Kismaayo ka dhacay Shir ay yeesheen Gacantada Jubbaland iyo Gudiga ...
DDG War Dag Dag Col:Cabdi Risaaq Maxamuud Jaamaca oo lagu dilay Meel Boosaaso u dhaw iyo Al-Shabaab oo Sheegatay dilkaas.
- Oct 24, 2014
Alah u naxariistee Col:Cabdirisaaq Maxamuud Jaamaca ayaa lagu dilay mel aan sidaas ooga fogayn ...
ergodkis3-597x480 Maxaa kala qabsaday Sirkii Midnimo One iyo Madaxwayne Ku-xigenka Jubbaland iyo Golaha Wasiirada.
- Oct 24, 2014
Shir ay isugu yimaadaan maalintii shalay Golaha Wasiirada Jubbaland iyo madaxwayne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa ...
j7 Madaxwaynaha Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam oo gabgabeeyey Dhismihii Ciidamada Deegaanada Joorre.
- Oct 24, 2014
Madaxwaynaha Mamul Goboledka Jubbaland Sh Axmed Maxmaed Islaam oo maalmahan ku suganaa Magaalo xeebeeda ...