|

Maxey Sh Shariif kala soo kulmeeyn

 (JN) – Kooxda reer xinqooq ee meesha hoose wax ka eega ee taageera Axmed Madoobe ayaa ceeb iyo fashil kala kulmay magaalada Nayroobi, iyadoo maalmahan ay websityada khiyaaliga iyo beenta ku caan baxay lagu qorayay waxaan kulan la galay Sh Shariif, Abdi wali Gaas iyo Faroole.

Joorrenews qeybta dabagalka oo waxyaabo badan arimahan kala socta ayaa si buuxda idinku soo bandhigaysa waxii qabsaday kooxdan iyo cidda ay la kulmeen iyo waxii lagu yiri.

Kooxdan reer xinqooq oo intoodii Nayroobi joogtay qofna ka maqneyn ayaa waxay isa soo tubeen albaabka hore ee hoteelkii la dejiyay madaxda soomaalida ee shirka road mapka ujoogtay Nayroobi. Madaama aysan waxa balan ah laheyn kolba nin say ula hadlayeen oo albaabka loogu celinayay ayaa waxaa markii danbe arinta loo sheegay Ibraahim Shukri oo hada kahor qolyahan ka tirsanaan jiray, hadana ka mid ah gacanyaraasha la socda Sh shariif iyo waliba C/qaadir Dhaqane oo meesha joogay.

Reer xinqooq maxay ka codsadeen Sh Shariif, maxuuse ka yiri?

  • Md Shariif waxaan kaa codsnaynaa inaad maamulka Jubbooyinka anaga noo aqoonsato oo PM Gaas naga qabato
  • Waxaan kitaab ku maraynaa inaad tahay halyeey usoo baxay ummadda Soomaaliyeed ee nagu xisaabtan doorashada m/weyne inaan markale adiga ku doorano
Sh Shariif maxuu ku jawaabay?
  • Anigu maamulka Jubbooyinka ma dhiso kiro oo mar hore ayaan dhisi lahaa haday teyda tahay, ciidamada hada Jubooyinka jooga ee lagu sheego dowlada KMG ah Xamar inaan geesto ayaan muddo 3 sano ah ku dagaalamayay, waadna ogeydeen inaan hal askari wadan waayey, idinkana hada kahorba Xamar markii LAGUDHEERE idin waday waan idiin sheegay inaan meeshaas aniga fooda galin karin
  • Hadaan ahay halyeey iyo hadii kaleba beesha Absame intooda waxgaradka ah sida aqoonyahano, Salaadiin, iyo masuuliyiinta dawladaha deriska kujiraba toos ayay si wadajir ah iigu sheegeen inaysan raali ka noqonaynin inaan mar danbe m/weyne ka noqdo Soomaaliya, waxaana u arkaa Absame inuu maanta idiidan yahay.
  • Maamulka Azaaniya siyaasiyiin culus ayaa ka danbeeya aniguna burburin waayay ee idinku qabiil ahaan u tashada oo heshiiya, Ethiopiana hafaryada ka daaya waa niman caro dhowee, maalin kasta waxaad sheegtaan waxey Ethiopia ka warqabin oo been ah oo aad leedihiin Soomaalida kale ku cabsigaliya. Hadaad diidaan talooyinka Ibraahim Shukri iyo Dhaqane maalin dhow Ethiopia iyadaa idiin yeeri doonto inaad ku darmataan Azaaniya taasina waa go,aan aniguba aan wax ka ogahay

PM Gaas

Abdiwali Gaas isagu wuu diiday, waxuuna u sheegay inuusan wakhti u haynin dad magac jabhado wata, beesha Absame dadkii mudnaa inaan la kulmo waan kulanay, waana kulanaa mar walbaba oo aan Nayroobi imaado ayuu ku yiri. Waxaa kale oo uu u sheegay in Absame oday dhaqameedkiisi iyo siyaasiyiintiisi ay Azaaniya taageersan yihiin, marka ayan jirin baahi loola kulmo koox ama jabhad.
M/weyne Faroole
Faroole wuxuu u sheegay in hadii ay jabhadeyn rabaan taas xiligeedi laga soo gudbay oo aan dib loogu noqoneynin, hadii kalena ay maamulka Soomaalida Jubooyinka iyo Gedo u dhaxeeya ee Azaaniya ay raacaan, wixii intaa ka baxsan cid kasto oo goboladan wax ka degta jabhad ayey dhisan hadaad jabhad wadataan ayuu yiri Faroole.
Joorrenews

5 Responses for “Maxey Sh Shariif kala soo kulmeeyn”

  1. Qaran says:

    Tanks Jubbalandews. Com, runti waxaad cabirteen xaalada dhabta ah ee reer Warfaa. waxaad ogaataan Maxamed Zubeir iyo reer cabdille toona shaqo kuma laha lugooyada umadda, waa mid u gaar ah Jifada reer warfaa iyo in yar oo la duufsaday. Ahmed Madoobe asagaaba yiri Hassan Daahir Ariga ha i raaxsado,
    Waxaad ka fahmeysaa jahliga kooxda Ahmed Madoobe,waqtiga ay codsanayaan in road mapka ay wax ka ansaxiyaan, Mahadsanidiin mar kale
    I’M QARAN

  2. Qaran says:

    KKKKKKK The smiling warlord, Cinwaankan marwalba waan ku qoslaa, waa funny, Thanks
    I’M QARAN

  3. Bilisaa says:

    Qaranoo kkkkk Warun Smiling warlord Ci waan cajiba. Wana ninkii odhan jiray dagal muslin marabo. Markuu dhobley indhacade gubayey

  4. qabridahare says:

    qaran iyo jiiqjiqlayaalnews.com@
    cuqdada iyo xigmadyari walee ilahay baa dushiina kayelay
    waana ogahay markaad magacayga aqrisaan in uu idinku dhici cudur kaloo layidhahdo {kadi diliq)kkkkk

  5. Qaran says:

    Qabridahar ceeb caleyk, magacan iska beddel sababtoo ah Qabridahar waxay ku qurux badan tahay in la qariyo, orodoo dhanaan.com ka soo daawo dhuusa iyo kaadi diliq diliq is wata hadaad ka qaadi weysid wax dambe ha i warsanin kkkkkkkkkkki,
    I’M QARAN

Comments are closed