Faalo: maxaa kaaga baxay shirkii hordhaca ahaa Igad ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay

Shirkii hor dhaca ahaa ee xalinta khilaafaadka dowlad goboleedka Azaaniya iyo kooxaha Raaskambooni iyo Ahlu-Sunnaha Gedo ee dhawaan Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay ayaa  lagu gaaray heshiis hor dhac ah oo la sheegay in aanu shirka ku iman wax dhib ah oo laga gudbi kari waayay.

Shirkan oo daba socday shir horey wadamada Igad ku qabteeyn addis-ababa oo sheegayay in nidaamka dhismaha dowlad goboleedka Azaaniya yahay kan ugu fiican ee abid Jubbooyinka soo mara sidaa daraadeed in Raaskambooni iyo Ahlu-Sunnaha Gedo lagu soo daro dowlad goboleedka Azaaniya.

Hadal heeynta shacabka Jubbooyinka dibada iyo gudaha ee ku saabsan heshiiskan oo Jubbalandnews.com u kuur gashay ayaa muujinaya in inta badan  dadweynahu ku farxeeyn habka wanaagsan oo uu shirkani oo qaatay kaliya 3 maalmood ku soo dhamaaday iyadoo la’ogyahay dhibka ka jira Soomaalida dhexdeeda in heshiisyadu qaataan mudo intan ka badan.

Waxyaabaha hididiilada shacabka galinaya ayaa ka mid ah in la isla ogolaaday ama kooxihii magac kooxeed watay laga saxiixay in  laga guuro koox iyo urur loono guuro dowlad goboleed hoowshaa oo ay Azaaniya sanooyin badan ka hor u guntaday iyo in dowlad goboleedka deegaan lagu saleeyo. Ilo xog ogaal ay ayaa sheegay in dhamaan ka soo qeeyb galayaasha shirkan qireeyn in kooxda Azaaniya leedahay heeykal dhisan oo is wada heeysta inta badana ayidayeen sida Azaaniya xalka u aragto.

Jubbalandnews.com iyada oo aanay dooneeyn in ay waxyaabaha qaar ka hor dhacdo ayeey waxeey hadana aaminsan tahay in wada hadalada la filayo in bishan July horaanteeda la soo gaba-gabeeyo ka soo bixi doonaan waxyaabo badan oo farxad galiya shacabka Jubbooyinka iyo Gedo si cadaalad ahna loogu midoobo dowlad goboleedka Azaaniya oo ay dhici karto sida ku cad heshiiskii Igad ee itoobiya in magaca la badali karo hadii lagama maarmaar noqoto. Ogoow sidoo kale in Azaaniya maamulkeeda biloowgii dhismaha dowlad goboleedkani sheegeeyn in magaca Azaaniya ku meel gaar yahay.

Si walbaba waa markii ugu horeeysay ee kooxaha Jubbooyinka iyo Gedo u nasab sheegta gar iyo gardaraba goob la isugu keeno si ay wax isugu raacaan. Inkastoo meelaha qaar qeeylo dhaan ka soo yeereeyso hadana lama hayo colaad aanan wada hadal lagu dhameeyn. Dadka Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta heeysta fursad sadaxdaa gobol kaga saari karaan habaaska daashaday oo ay la mid noqon karaan Soomaaliya inteeda kale. Hadii 3da gobol heshiin waayaana labada Jubba ayaa ah fursad kale oo si dhib yar looga yagleeyn karo dowlad goboleedka hadaba ka hoowl gala ee dadka deegaanku is ku raaceeyn.

jlandnews@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. Dr. Kulbiyow says:

    Waa guul usoo hoyotay shacabka daalan ee unasab sheegta goboladan.

  2. Cali Absame says:

    Asc,

    Maanta sidaad wax u qorteen ma xuma, caydii iyo duur xulidii maanta meel baad iska dhigteen, waana idinku bogaadinayaa arinkaas, meeshaas kasii wada oo mardanbe yuusan tolka is caayin. Absame waa hal qowmiyad oo qura, waana in lays weheshadaa.

    Tan labaad, dadka inta commentyada soo qorana wadadaas ha qaadeen oo iyana cayda ha joojiyeen.

    Waad mahadsantihiin.

  3. Ahmed yare says:

    Canaan ku farasanahay. side. uu. shiirkii. magaalada Nairobi. u decay. ee quruxdu badneed. waxaa. mahada. iska. leh. Allah. weny marka hor grand e . marka. xigtana. prof gaandi iyo. intii. kasoo. shaqeysay wadahadalada. ruuntii anigu. waxaa taagyeersanaa ururka raaskiyaambooniyiinta laakiin hada waxaan. taagyeeridoonaa

  4. uruuriye says:

    salaan kabacdi waxaan bogaadin u dirayaa dhamaan qaybihii kala duwanaa ee shirka kasoo qayb galay waxaana ugu bogaadinayaa sidii wanaagsanayd ee ay xilkooda u guteen ee waliba ku dheehnayd masuuliyadada dhamaan waxaan leeyahay isu tanaasula dantiinana garta shacabkana unaxa oo alle kabaqa

  5. jana jarared says:

    Xaalku maanta wuxuu ku laabtay mewl aad u qalafsan,sir iyo siyaasado damaaci dhuleed dad wata ayaa wax laynoogu daray,waxaa inagu soo wajahan kha,in nimadii majeerteen,damaaci iyo indho adaygii mareexaan,boobkii hawiye iyo huubadiisi.danihii ethiopia iyo dabadhilifyadeedi,judhigii shabaabka iyo Aanada qabiilka. intaa iyo kaladaadsanida absame. iyo lacag jacayl keena. hadaba yaa reerka sabata bixin kara? siyaasada gaandi iyo seefta ismaaciil saxardiid,intaa aynu ku dayno doorkan.

  6. Ibrahim. Hassan says:

    AniGa Waxaan tageersan shay absame oo dhan
    Oo. Danta dad keen waa do midkii
    Uu doono ah noqeed Waxaan leeyahay absamow guulesta .

  7. sayid maxamed says:

    Waad mahadsantihiin dhamaantiin waxaad moodaa Absame inuu intii hore isaga soo dhawaanayo
    waana Ilaah mahadii tan kale Mr;Jana Jarareedow waxaad ogaataa hadii Absame midaysanyahay
    in qolyaha aad sheegyso iyo cadaw kasta ayna waxba kaa qaadi karin ogow waxa lagaaga faaii-
    daystay qayb-qaybsanaantaada hadii taa la xaliyo qolyahan ka walbahaar la,aw.


Comments are closed.

untitled Ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu wareejiyey Qalab lagu burburiyo Miinooyinka.
- Sep 18, 2014
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu waeejiyey qalab ay burburiyaan miinooyinka iyagoo sidoo kalena loo ...
qewd Daawo Shirkii Khaatumo iyo Ra”isulwasaaraha Soomaaliya.
- Sep 18, 2014
Ra"isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka qayb galay shir Jaaliyada Khaatumo ee dalka Uk Shirkaas oo ...
qewd Daawo Gabadh Waydiisay su”aal adag Ra”isulwasaare Cabdiwali Sh Axmed .
- Sep 18, 2014
kulan dhexmaray Jaaliyada Khaatumo iyo Ra"isulwasaaraah Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed ayaa su"aalo lagu waydiiyey ...
DSC00612 2 qof oo ku dhimatay halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen weerar saaka ka dhacay magaaladan Garissa iyo mudaaharaad rabshada wata oo arrintaasi la xiriira Daawo sawirada.
- Sep 18, 2014
2 qof oo rag ah ayaa ku dhintay halka 3 kalena la dhigay Isbitaalka, ...
waraff Muuqaalka Sawirkan hoose markaad fiiriso maxaad xusuusanaysaa?
- Sep 18, 2014
In badan oo Soomaali ihi ma ogolo damiirkooduna ma siinayo in sidan ay ogolaadaan ...
232 Madaxwayanah Jubbaland oo safaro shaqo ku tagaya Dalalka Imraadka Carabta maalmahan
- Sep 18, 2014
Madaxwayanah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmahan waxa uu safar ku tagayaa dalalka Imraadka ...
yukghfkg Xafladii Khaatumo MPLS MN oo noqotay Munaasada oogu cajiibsan ee dalkaasi lagu dhigo.
- Sep 18, 2014
Xaflada loogu dabaal dagyey dhalashada dawalda goboleedka Khaatumo ayaa lagu qabtay dalka maraykanka waxaan ...
jfgjf Daawo nin Magaaalada Hargaysa Jooga oo dadka ku sheegaya Diin Cusub iyo Nabi Cusub.
- Sep 18, 2014
Nin Reer Xamar aha oo maahmaahay ayaa yidhi "Cimrigaaaga raagay Geel dhalay aas ku ...
rt Daawo Ra”isulwasaare Cabdiwali Ciidanka Amison way ka baxyaan wadanka Mana siijoogi doonaan.
- Sep 17, 2014
Ra"isul wasaaraha Soomaali Dr Cabdiwali Sh Axmed ayaa sheegay in ciidanka Amison ay ka ...
5wefsdfsdaf Daawo Shirka Somalibantu ee ka dhacay Maraykanka oo ariamah Jubbaland lagaga hadalay iyo Wasiir Jubbaland oo ka qayb galay.
- Sep 17, 2014
Wasiirka xidhiidhka iyo iskaashiga caalamanka u qaabilsan  dawlad goboleedka Jubbaland ayaa ka qayeb galay ...