Golaha Qurbajoogta Jubbooyinka oo baaq taageero u diray qeeybaha heshiiska ku gaaray Nairobi

Golaha Qurbajoogta Jubbooyinka oo baaq taageero u diray qeeybaha heshiiska ku gaaray Nairobi

 Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum) oo kulan xaga qalabka maqalka iyo muuqaalka isugu yimid ayaa soo saaray baaq uu ku taagaareyo shirkii hordhaca ahaa ee dhawaan heshiisyada ku gaareen qeeybaha is ku haya siyaasada deegaanada Azaaniya/Jubbooyinka.

Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka oo la aasaasay 2009 kuna midoobeen qurba-joogta deegaanka ee ku dhaqan wadanka dibadiisa ayaa waday hoowlo isu soo dhaweeyn ah iyo kuwa ay gacan kaga geeysanayaan dhibaatooyinka bani’aadanimo ee deegaanka ka jira.

Kulankan oo ay kaga doodeen xaalada deegaanka iyo shirkii Igad qabanqaabisay ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay ayeey masuuliyiinta iyo xubnaha ururka soo saareeyn qoraal ay ku taageerayaan wixii ka soo baxay shirka oo u qoran sidan :

1)      Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum) wuxuu hambalyo u dirayaa dhamaan ka qeeyb galayaasha shirka iyo biseeylka ay muujiyeen in wada hadal lagu dhameeyo xurgufaha jira is la markaana ogolaadeen shuruud la’aan in loo guuro dowlad goboleed loo wada dhan yahay.

2)      Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum) wuxuu ugu baaqayaa dhamaan qeeybaha is ku haya arrimahan in ay muujiyaan dulqaad iyo tanaasulaad si danta shacabka Jubbooyinka loo xaqiijiyo deegaanadana lagaga saaro rafaadkii la haray tan iyo bubburkii dowladii dhexe.

3)      Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum) wuxuu balan qaadayaa in wixii karaankiisa uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay samawadayaasha deegaanka ee u guntada una hoowl gala in la helo nidaam dowli ah.

4)      Ugu danbeeytii waxeey Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum) ka digayaan in uu fashil ku yimaada wada hadalada qeeybaha dhiman kuna boorinayaan dhamaan in ay xaqiijiyaan rabitaanka shacabka oo ah nidaam iyo kala danbeeyn deegaanka ka dhasha.

 

Gudoomiyaha Golaha Qurba-joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diapora Forum)

Dr Cabdi Axmed

info@jubbalanddf.net


Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. jana jarared says:

    Waa warfiican laakiin yaa absame ku haysta talada iyo maamul u samaynta jubbaland? ma aisaga isku haysta,ma qabaailo soomaliya ku haysta,ma ethiopia,kenya mise cidina kuma haysatee isagaaban Qumis ahayn? oo wuxuu doonayaa in loo qumiyo? waxaan u baahanahay in laga jawaabo intanan tayda soo daynin.

  2. cabdi C/llaahi says:

    Mudane jana narared,
    Hadii aad ka mid tahay dadka Jubbooyinka ama Absame adiga arrigtidaada iyo in aad su’aalahan ka jawaabtid lagaa rabaa. biloow dooda

  3. kaahin says:

    Mashaa aah ninkan oo kale ayaa loo baahan yahay wa nin
    Si fiican hadalka u dhigay oo aqoon ku miisaman marka waxaa ila quman in Absame dhulkiisa iyo awoodiisaba ilaahay mideeyo.
    Amiin amiib amiin

  4. Ow baaruud says:

    Adeeroyaal waxaa ii muyqata in Absame guuleeystay
    VIVA AZANIA VIVA ABSAME VIVA PROF.GAANDI SHARAFTA ABSAME WAA UU SOO CELIYAY (ilaahayow xafid inta aduunka jogo akhirana janadii gee Amiin amiib smiin)
    yam yan iyo Qadaad weyn waa uu kaga cabaadiyay.
    Min shariif Baarlamaankii hore Eleeygii fadhiyaya Xildhibaano way wada ooyaayaan hadii Absame intiiintiiJeeblayaashiiba hada so xaroodeen .Somali mar hore ayaan u sheegnay oon dhahnay hadii aad Daanyeero noqotaan Daaxuuro ayaan noqoneeynaa.kkkkkkkkkk
    lol

  5. Ow baaruud says:

    Kilaas.kkkkkkkki kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    vivvivivivvivivavavavavavavavavavw
    Azazazazazazazaxazninininininiaaaaaaaaaaa
    Prof Gaandi

  6. muqdishaani says:

    meelaha ayaan ka maqlaayey in la dhaho xaabsadeiyo wiil uu dhalay janankii leqleqato ayaa xamar ku caaytamay oo shegayo in Azaania iyo raaskaboni u shaqeeyan kenya iyo itoobiya wuxuuna isku sheegayaa in yahay xildhibaan ka soo jeeda bay iyo bakool wax adunka ka socdana mayaqaano wali wuxuu isku haystaa in uu yahay worlod xaabsade waa ku dhamaatay hadii add wax ka sheegto itoobiyadii ku badbaadisay.


Comments are closed.

xasan-sheek Shirka Kismaayo iyo Furitaanka Xassan Sh iyo Sirta ku jira arintaas kaga bogo qoraalkan.
- Sep 17, 2014
Shirka lagu balansanaa in loo qabto Kooxihii isku khilaafsanaa Maamulka KMG ah ee Juba ...
warili Daawo Fanaanka Xasan aadan oo ka cadhooday war been ah oo laga sheegay.
- Sep 17, 2014
Fanaanka Xasan aadan samtar oo ka hadlay TVga Unversal isag oo sheegay in uu ...
ghkghkghkghkh Ra”isuwasaare C/Wali oo daaha ka qaaday Khilaafka isaga iyo Madaxwayanah.
- Sep 17, 2014
Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed ayaa ka hadalay khilaaf la sheegay in uu ka ...
8 Daawo muuqaalka Shirkii Kismaayo oo ay ka hadaleen Madaxda Dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka.
- Sep 16, 2014
Magaalada Kismaayo waxa maanta ka dhacay shir kii Dib u heshiisiinta ee gobolada jubbooyinka ...
12311 Madaxwayne Xassan Sh Maxamuud oo gaadhay Kismaayo iyo Soo dhawayn loo sameeyey.
- Sep 16, 2014
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa soo  gaadhay magaalada Kismaayo xili ayu boqolaal ...
madoobe-300x200 War dag dag ah Madaxwayne Xassan Sheekh oo Kismaayo u duulay.
- Sep 16, 2014
Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in madaxwayanaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ...
were Kulankii Barre hiiraale iyo Madaxwaynaha Soomaaliya maxaa ka soo baxay?
- Sep 16, 2014
Waxaa maalintii shalay dhacay kulan dhexmaray Madaxwayanah Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo Col:Barre Hiiraale ...
Wafdi-Kis-1 Qaban qaabo ka socota Nairobi iyo Wafdi IGAD iyo Xusen Cabdi Xalane oo ku wajahan Kismaayo.
- Sep 15, 2014
      Magaalada Nairobi waxaa ka socod qaban qaabad Wafdi maalinta bari ah lagu wado in ...
kiu Daawo Xildhibaanada gobolka Gedo oo shir Jaraa”id ku qabtay magalada Muqdisho+maxay kaga hadleen?
- Sep 15, 2014
Magaalada Garbahaaray ayaa kamid ahayd meelaha la soo hadal qaaday in shirka dib u ...
Xildhibaanada-Sade-150x150 Reer Garbahaaray oo u durbaan tumanaya in shirka Kismaayo loo wareejiyo Gedo.
- Sep 15, 2014
Magaalada Garbahaaray ayaa kamid ahayd meelaha la soo hadal qaaday in shirka dib u ...