Bakool oo laga teegeeray shirka Igad ee Nairobi ka socda

Bakool- waan taageeraynaa heshiiska Jubbaland.

Bakool (Afdheer) masuuliyiinta gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinka Ato,Yeed iyo Ceelbarde ayaa soo dhaweyey heshiiska hordhaca ah ee ay wada-gaareen reer jubbaland shirkii ka dhacay Kenya.


Maamul goboleeka IGAD ayaa kulan isugu yeedhay dhinacyada siyaasadda ee gobollada Gedo, jubbada dhexe iyo jubbada hoose kuna gaaray heshiis ay saxeexeen 4 dhinac oo ku kulmay nayroobi Kenya annagu heshiiskaas waxaan u aragnaa mid nabad iyo maamul wanaagsan u horseedi kara gobolladaas waanan soo dhaweynaynaa heshiiskooda- hadalladaas waxay kamid ahaayeen aragti laga uruuriyey shacabka deegaanadaas.

Sida muuqata fikirka maamulka jubbaland waxaa ku kala qeybsan shacabka gobolka Bakool, hadalka kasoo baxaya waxgaradka iyo masuuliyiinta degmooyinkaas ayaa ka hor imanaya war uu Sheekh Aden Madoobe oo isna kasoo jeeda gobolka Bakool siiyey idaacadaha ku hadla afsoomaaliga.

Kulnaka ay riixayso IGAD gaar ahaan Kenya kuna saabsan sidii ay gobollada jubbaland u heli lahaayeen nabad iyo is-maamul gobolleed ayaa la filayaa in wajigiisa 2aad ka furmo Kenya maalmaha fooda nagu-soo haya.

Shirkan waxaa ku wada-hadlaya dowladda Kmg ah, Kaambooni jubbaland, Azania State jubbaland, Ahlu-sunna Gedo, iyo garab uu matalayo sarkaal reer Gedo ah.


Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. Ow baaruud says:

    Alahu akbar alashu akbar Waxaan maqli jiray Cali dhuux ayaa waxuu yiri markuu Ogaden dagaalami eswaayay Caqlina isu keni waayeen Ilaahayow Tolkey Cawli ii gali ama aniga caqliga iga qaad.
    HADA WAXAD MOODAA IN ALI DHUUX ILAAHAY KA AQBALAY SOO BAKOOL MA AHA WAXA TAAGEETAAYA 2JUBA IYO GADO IN AAN GIULEEYSANAY CIDNA WEYDIIN MAAYO.EE ILAAHAY AAD UGU XAMDIYA.YAANA LA KIBRIN WAAN GUULEEYSANAYE.

  2. Garyaqaan says:

    Ow baaruudoow, maxaad ula jeedaa qormadan? Reer bakool sow kuwii weligood taageeri jirey 2jubba iyo Gedo maaha? miyaad iloowdey inay ahaayeen kuwii SPM Bakooli unkay oo Axmed Cumar Jees la duubtay rag iyo saanadna ku tabarucay ilaa ay yimaadeen Jubooyinka iyo Gedo ooy ku dhamaadeen ilaa haddana ay u duuban yihiin. Ilaahay meelaan joognaba hana tusaaleeyo midnimada iyo qadiyada dadkeena iyo diinteena.

  3. Ugaas Cowlyahan says:

    Waa in si loo aamusiiyo Aadan madoobe iyo Shariif sakiin Waa in aan maamul u samaynaa BakoolIyo bay Maxaa yeelay 3 dagmo ayaan ku leenahay Bakool oo ka kooban 6 dagmo taas waxay ka dhigan tahay qayb anagaa leh qeybna raxaween sidaa darteed waxaa ay tahay Waa in AAn aas aas naa Dowlad goboleed la yiraahdo (baykool State) taas oo ka kooban bay iyo bakool,Gobolka bakool labo kursi buu lahaa Dowladii Rayidka ee doorasho ugu danbaysay Kursiga koobaad Waxaa lahaa Barre Ugaas Geedi kan 2 Waxaa lahaa sheeq Mukhtaar OO raxaween ah sidaas ayay ahaan jirtay wayna kusoo noqo naynaa aadan madoobe taada baynu kula leenahayee maxaad ku hadli doontaa.

  4. Ugaas Cowlyahan says:

    Waa in si loo aamusiiyo Aadan madoobe iyo Shariif sakiin Waa in aan maamul u samaynaa Bakool Iyo bay Maxaa yeelay 3 degmo ayaan ku leenahay Bakool oo ka kooban 6 degmo taas waxay ka dhigan tahay qayb anagaa leh qeybna raxaween sidaa darteed waxaa ay tahay Waa in AAn aas aas naa Dowlad goboleed la yiraahdo (baykool State) taas oo ka kooban bay iyo bakool,Gobolka bakool labo kursi buu lahaa Dowladii Rayidka ee doorasho ugu danbaysay Kursiga koobaad Waxaa lahaa Barre Ugaas Geedi kan 2 Waxaa lahaa sheeq Mukhtaar OO raxaween ah sidaas ayay ahaan jirtay wayna kusoo noqonaysaa aadan madoobe taada baynu kula leenahayee maxaad ku hadli doontaa.Ina AAbo

  5. sama talis says:

    marka hore aan idhaado Ilaahayow nin aan wax ogayn ha cadaabin. Adeer Ow baaruudow maahmaahda cali dhuux malahayne Hadalka waxaa ku muusannaabay markuu ciilkii ka batay “Cali Garaad” oo caan ku ahaa hadllada murtida ah ee ku saabsan ururinta iyo nabadaynta tulka dhexdiisa ah. cali garaad haddaad garan weyso waxy isku meel kasoo jeedaan allaha u naxariistee halgamaagii waynaa ee “Makhtal Daahir Garad”. taasi waa intaas takale

    Hadallada kasoo baxay bakool * baaqa odayaasha
    Beelwayntaa absame ee kacdiyo * guusha bilanaysa
    Allayow barwaaqiyo kayeel * baas midaan wadannin
    gabaygu waa ku darso

  6. Ow baaruud says:

    Salaamu aleykum ikhyaarta waxaan fili sama talis waxaa madax maray QabyaLad laga soo gudbay sxb anigu ciil igama badanin dhib aan adiga ku heeysan ima heeysto ee hadii uu odhaahda Ali dhuux yiri iyo hadii Ali Garaad yiri ula jeedada ka raac waxa hadalka uu udhacaayo waa Ogaaden oo waliba la dhiho karo waa Rer Cabdule.
    Tan MakhtL Dahir waa hlayeey alah ha u naxariisto lakiin marna kama hadlin lakiin adigu dhinac ayad u badatay,bal mansadan oo adiga kugu socota diiri.(dhankaan ka hadlay wa kaa Sama talis dhaafay dhaafay hadalkiiye )bal tana ku shwwg Cali garAd
    .Guul Bakool Guul Absame Guul Azania .

  7. sama talis says:

    wa-calykuma-ssalam. ahay ah. ow baaruudow

    adigoon dagdagaynin,
    dulqaad muujinaya,
    dadkeena aan kala saarin,
    bal in saa aad ku daysiyo
    inaad dooriso haatan
    dulucdii hadalkayga
    dib intaad u jalleecdo
    jawaabtaadana day.


Comments are closed.

sfdsafafsasfa Mooshinkii oogu horeeyey ee Baarlamaanka la keeno oo ah Shirkad lagu wareejiyey Dekadda Muqdisho.
- Sep 22, 2014
Baarlaamka Soomaaliya oo manta shaqadiiisa dib u bilaabaya ayaa Mooshinka oogu horeeya ee ka ...
download (1) Barre Hiiraale oo looga digay in uu isku dayo abaabul dagaal iyo in uu miciin moodo dagaal.
- Sep 22, 2014
Shacabka Jubbaland oo xusuusan taariikhda sooyaalka dagaaladii ka dhacay gobolada Jubbaland ayaa digniin u ...
vbvbv Daawo:Khudbadii Admiral Maxamed Cumar Ka jeediyey Shirkii London Soomaalida mxuu ku tilmaamay
- Sep 22, 2014
Gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa Khudabad ka jeediyey shirwaynah ay lahaayeen Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee Qaaradah ...
ddsds Shirar Xasaasi ah oo muqdisho ka socoda iyo isqabqabsi Salka ku haya Ninka loo magacaabayo Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya.
- Sep 20, 2014
Waxaa ka bilawday magaalada muqdisho shirar si gooni gooni ah ay u galayaan qaar ...
jhkj Daawo Muuqalka Kismaayo qaraxii kadib maanta dhacay.
- Sep 20, 2014
Magaalada kismaayo ee xarunta maamulka Jubbalanad waxaa maanta ka dhacay qarax xoogan kaas oo ...
eras Madaxwayne Xasan Sh “Kenya Badeena ayey rabtaa in ay qaadato waana difaacaynaan bada Soomaaliya”
- Sep 20, 2014
Madaxwaynaha oo maanta furay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dawlad Kenya ay rabto ...
untitled Shir Kismaayo ka dhacay oo lagu heshiisiinyo Beelo wada daga Kismaayo.
- Sep 20, 2014
Magaalada Kismaayo oo ay ka socodaan shirar dib u heshiisiin ayaa waxaa maanta ka ...
vbnbvnvbn Sh Maxamed Cabdi Umal oo radiyey Buug uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil.
- Sep 20, 2014
Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka hadalay buug uu qorahay nin Soomaali ah oo ...
download (1) Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya aya lagu wadaa maanta in uu furmo.
- Sep 20, 2014
Kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu wado in uu furmo ayaa waxa ...
ssasa Qaraxyadii Kismaayo maanta dhacay oo ay Lix qof ku dhaawacmeen.
- Sep 20, 2014
Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka dhacay qaraxyo isbada jog ...