Warbixin: Garissa oo dad lagu xirxiray iyo Suuq gubanaya dilal dhacay ka dib

Xaaladda Magaalada Gaarisa oo caawa aad u kacsan. Suuqii ugu weynaa ee magaalada ayaa gubanaya iyadoo warar aanan weli la xaqiijin sheegayaan in  dab qabad siiyeen ciidamda KDF ee Kenya. Dad badan ayey ciidamadu xirxireen. Waxaana magaalada lagu soo daayey ciidamo aad iyo aad u farabadan. Cabsi aad iyo aad u weyn ayaa caawa ka jirta magaalada Xarunta u ah Waqooyi Bari ee Garissa.

Xildhibaanada Soomaalida ah oo uu ugu horreeyo Hon. Faarax ayaa aad uga carooday tallaabada ay ku dhaqaaqeen Ciidamada dalaka Kenya. Waxa uuna ugu baaqay in ay joojiyaan handadaada iyo garaaca ay ku hayaan shacabka aan waxba galabsanin. Masuuliyiin badan ayaa sidoo kale ka dhiidhiyey arrintan oo ay ku jiraa Saxafiyiin. Maxamed Cadow ayaa boggiisa facebooga waxa uu ku qoray sidatan.´´My thoughts are with the victims of mindless violence in Nairobi and Garissa Kenya. This is exactly what the criminals carrying out the shootings and bombardments were after – chaos pitting Kenyans against Kenyans. KDF’s kneejerk reaction to the killings of soldiers in Garissa was uncalled for. Burning an entire market which is the only source of livelihood for hundreds of thousands of peasants is not the solution. Neither is the shooting of innocent civilians´

[youtube]http://www.youtube.com/watch?v=flV6f-XddMo[/youtube]

Askarta iyo dableyda hubeysaneyd ayaa rasaas isku weydaarsaday agagaarka Dugsiga Sare ee Garissa High. Askarta oo dhaawac ah ayaa markii dambey ku nafbaxay Isbitaalka weyn ee magaalada Garissa.

Magaalada Gaarisa ayaa maanta laga maqlayey dhawaaqa rasaas dhaceyso. Magaalada ayaa gashay bandow iskeed ah. Dadkuna aad ayey u cabsanayaan. Waxaana gabi ahaan istaagay hawlihii ganacsiga ee magaalada.

Guri ku yaala Xaafada Khaliifa ee magaalada Gaarisa oo ciidamda shaki ka qabeen ayey soo qabqabteen dhamaan dadkii gurigaasi ku jiray.Ma jiraan ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada Kenya. Waxaana xaaladda guud ee magaalada ay tahay mid aad u cakiran, inkastoo ilaa hadda ciidamada ay wadaan howl galkooda. Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii laba ka tirsan ciidamada booliska lagu dilay suuqa lagu magaacabo Suuq Mugdi oo ku yaala bartamaha Gaarisa

Qaraxyada ka dhacaya magaalooyinka Kenya iyo dilalka ciidamada booliska ayaa aaneeyaa  gelitaanka Ciidamada Kenya ay galeen  Koofurta Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. Wixii waagaas ka dambeeyay ayaa waxaa  kordhay qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha Kenya. Dhacdooyinka Garissa iyo Nairobi ayeey ka danbeeyaan kuwa qas wadayaal ah oo aanay dhib ku heeyn dilka iyo dhaca soo gaaraya Soomaali badan oo aan wax galabsan.

Wixii Soo kordha waan idin la socod siin doonnaa.


E-mail kan nagala soo xiriir : jlandnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Ali Abaskuul says:

    Waa dhacdo naxdin leh waxaana u tacsiyaynayaa shacbka reer Gaaris ee dhibku soo gaadhay.Waxaan kula talinlahaa madaxda dawlad dhexe ku jira ee laga soo doorto North-eastern anay 1ciidanka ka saaraan magaalada,2 in la hor keeno cadaalada ciddii amarka ciidanka bixisay,3 in lala xisaabtamo dawladda iyo hay’adaha dawliga ah ee ay qusayso arintaasi ay qabtaan siyaasiyiinta gobolku,4 in shacabku ilaaliyaan nabadooda oo ay iyagu ka warhayaan dhaqdhaqaaqa ka dhici kara magaaladda iyagoona cidna ku halaynayn.Arinta kale ee jirtaa waxay tahay inuu Gobolku helo Federaal oo aad loo taageero,dadajiyo nidaamka hadda socda ee ah in federal loo sameeyo Kenya..maaha inay culusoowyadu innagubataan.anyway aan xoojinno dastuurka cusub iyo inayna dib u dhin dhibaatadan oo kale.Deegaanka waa deegaan u baahan inuu xaqiisa banaanka loo dhigo Kenya yayna noqon culusoow oo kale.Wasiirka gaashaan dhiga ha u ololeeyo inuu sameeyo ciidan awood leh oo dadka gobolka dagan leeyihiin sida Jigjigoo kale oo difaaca gobolkiisa ileen federal ayaa loo socdaa adoona ina difaacimayso oo waynu isku dhacnay iyadoo arintaasi la raacayo oo sharciga la raacayo oo amniga gobolka ee Somalia dariska la ah la qiimaynayo ayuu Gobolku ciidan ilaa 6000 kun oo ciidan ah ayuu xaraysan karaa oo uu hadda tababar loo furi karaa,ciidankaas ayaa ka shaqayn kara nabada Northeasern ,haddii kale is fahanka shacabka iyo ciidanka shacabka dilayaa dhibaato cusub ayuu keeni karaa.

  2. Mohamed Hussein says:

    Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhacdadan foosha xun ee lagula kacay shacabka reer Garissa. Arintan foosha xun waa arinta kaliya ee ay rabaan argagixisada oo ah inay dhibaato iyo qalalaaso ka dhex dhaliyaan shacabka Kenya gaar ahaan shacabka reer Garissa oo iyagu ah dad nabada aad u jecel. Taasi waxaa ka daran dhibaatada ay ku kaceen ciidamada hubka sida ee Kenya oo iyagu loo baahnaa inay sugaan amaanka shacabka. Waxaan kula talin lahaa masuuliyiinta in ay Ciidamada ku amraan in shacabka dhibka laga joojiyo oo amaankooda la sugo maxaa yeelay hadii amaanka xuduuda la adkeeyo waxaan oo dhib ah ma soo gaareen shacabka nabada jecel ee la dulminayo.


Comments are closed.

unnamed Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada
- Oct 31, 2014
Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon ...
coll-Darwiish “KismaayoXog hoose “Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga oo ku Goodiyey in uu iscazilaya TOP NEWS.
- Oct 31, 2014
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Col:Maxamed Faarax Warsame "Darwiish" ayaa maalintii shalay wax uu ...
1781 (1) Ciidamada Maamulka Jubbaland oo xeelada dagaal u baneeyey Saldhiyo ay Horay u joogeen dhanka Buuloguduud.
- Oct 31, 2014
Ciidamada Maamulka dawlada Goboleedka Jubbaland ayaa baneeyeye saldhiga ay horay u daganaayeen saldhigan oo ...
IMG_DEFE62-50E3A6-FA33A0-D93034-63111E-584088 Kismaayo oo lagu qabqabtay Raga haybtoodu noqotay Al-Shabaab iyo Guro Hub laga soo saaray.
- Oct 31, 2014
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay fiidnimadii baadhitaan ay sameeyeen ...
Taliyaha_ciidanka_Booliska Dareen cadho leh oo ka dhashay Geeridii Taliyaha Booliska Kadib Irbada lagu duray Taliyaha.
- Oct 31, 2014
Taliayah Ciidanka Booliska dalka Soomaaliya oo malintii shalay ahayd ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa ...
Jen-Gas-gas War Dag Dag ah Ra’isulwasaraha oo Magacaabay Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya.
- Oct 30, 2014
Kadib markii uu galbta Si kadis ah u geeriyooday Taliyihii Booliska Soomaaliya General Maxamed ...
DSC02573-300x225 “Kismaayo”Xaalado Cusub oo ka soo kordhay iyo Madaxwayane Axmed Madoobe oo Nairobi ka dagay
- Oct 30, 2014
Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka anbabaxay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam wuxuuna ...
IMG_7946 War Dag Dag Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.
- Oct 30, 2014
General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil. oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku ...
2589 DHAGAYSO” Mid kamid ah Saraakiisha kusugan Jiida hore ee Buula Guduud iyo Xaaladii Ugu danbaysay TOP NEWS
- Oct 30, 2014
Mid kamid ah taliyaasha ciidanka Jubbaland oo kusugan Saldhiga buula Guduud ayaa kawarbixiyay xaalada ...
kis DHAGAYSO” Dr Axmed Sadiiq oo kawarbixiyay Dhibtaatada Kajirta Ispitalka Guud ee Magaalada Kismaayo NEWS
- Oct 30, 2014
Dr oo kamid ah maamulka Ispitalka kismaayo ayaa kawar bixiyay xaalada ispitalka guud ee ...